Waxyaabaha Horseedi kara In Ilmahaagu Guul ka Gaadho Tacliinta?

0
1117

Waalid waliba waxaa uu jecel yahay in ilmihiisu noqdo mid aad ugu fiican tacliinta, mar kasta oo ilmuhu guul ka gaadho waxbarashadana waxaa uu waalidku dareemaa farxad aan la soo koobi Karin, Jidka dheer ee loo maro tacliintu waa mid u baahan dadaal iyo dulqaad badan, waa mid u baahan iskaashi dhex mara waalidka iyo ilmihiisa, macalimiinta iyo guud ahaan dugsiga uu ilmuhu wax ka barto, haddii xidhiidhkaasi noqdo mid joogto ah oo wakhti la siiyo waxaa ay u badan tahay in tacliinta ilmuha laga gaadho guul wayn, haddiise xidhiidhkaas la dayaco waxaa dhacaysa in ay timaado guuldaro taabata dhamaan dhinacyada aan kor ku soo sheegnay, ilmaha waxbaranayaa waxaa uu aad ugu baahan yahay caawinimada joogtada ah iyo dhiiri gelinta uu ka helo waalidkiis, ardaygu kolkuu taa helo waxaa uu dareemayaa inuu hayo howl waxtar leh oo anfaceysa naftiisa, waalidkiisa iyo wadankiisaba, haddaba sidee ayuu waalidku u kobcin karaa ilmihiisa si uu tacliinta guul uga gaadho?
 
Waxbadan ayaa waalidku qaban karaa
 
Ugu horeyn waa inaad waalid ahaan diyaar u tahay inaad tacliinta ilmahaaga wakhti galiso, waxyaabahan soo socda isku day inaad sameysid si ilamaagu horumar u sameeyo  niyad fiicana u helo, waydii marka uu ilmuhu guriga yimaado ee uu soo dhameeyo iskuulka waxyaalihii uu maanta kala soo kulmay dugsiga ilmaha yar-yari aad bay u jecel yihiin inay waalidkood u sheegaan iskuulku sida uu maalintaas ahaa iyo waliba waxyaalihii uu soo bartay, daqiiqadahaas yar ee aad ilmahaaga dhageysatay waxaa ay waallid ahaan kusiinaysaa warbixin muhiim ah, ilmahana waxaa ay siinaysaa kalsooni buuxda.
Ku barbaari ilmahaaga akhriska waa inaad ilamaha tustaa ugana sheekaysaa muhiimada ay leedahay in wax la akhriyo, hHaddii uu yahay gurigu meel wax lagu akhriyo, waxaa ilamaha u sahlanaanaysa inuu ku dhiirado wax akhriska ku barbaarinta ilamaha ee xagga akhriska waa inaad bilowdaa wakhti hore, taas oo loola jeedo inta ilmuhu yar yahay waxa aad u muhiim ah in ilmaha la geeyo goobaha wax lagu akristo sida maktabada (library) ilmuhu kolkay aad u yar-yar yihiin ee aanay weli akhriska baran waxaa aad muhiim u ah in buugaag loo akhriyo taasi waxay kobcinaysaa maxkaxda ilamaha.
 
Daawashada tv-ga iyo ciyaaraha computerka
Waxa aad iyo aad u haboon in ilmaha loo qorsheeyo daawashada Tv-ga, haddii ilmuhu uu aad u badsado arimahan aanu soo sheegnay waxa uu ilmuhu aad uga daalayaa xagga maskaxda, taas oo dhalisa in ilmuhu ka caajiso ku dadaalista tacliinta maadaama ay maskaxdiisii daalan tahay, waxaa kale oo ay daawashada badan ee Tv-ga iyo ciyaaraha komputeradu dhaliyaan in ilmaha ay ku yaraadaan hal abuurka xagga maskaxda ah, ilmuhu waxaa uu noqonayaa sidii mashiinka oo kale, mar walbana waxaa uu sugaa in la howl geliyo, haddii uu waayo komputer ama tv-na waxaa uu markiiba u imanayaa waalidkiisa isaga oo waydiinaaya hooyo/aabe maxaan qabtaa? waxaa i haya caajis aad u badan. Baaritaan cilmiyeed badan oo la sameeyey waxaa lagu ogaadey ilmaha uu ku yar yahay daawashada tv-ga inay maskaxdoodu aad u fir-fircoon tahay, ayna mar walba diyaar u tahay inay wax cusub abuurto.
 
Ilmaha oo loo sameeyo jadwal joogto ah
Ilmuhu waa inuu leeyahay jadwal joogto ah oo uu raaco tusaale ahaan waa inay ilmaha u kala cayiman yihiin wakhtiga wax akhriska, wakhtiga ciyaarta, nasashada, wakhtiga cuntada iyo wakhtiga hurdada, haddii uu jadwalku isku qasmo waxaa dhacaysa in ilmuhu jahawareero isla markaasna uu garan waayo qaabkii uu wax u wadi lahaa si ilmuhu ula qabsado jadwalkan waxa uu u baahan yahay caawinaada aabaha iyo hooyada, tusaale ahaan kolka ilmuhu sameynaayo shaqada iskuulka looga soo diray waa in uu helaa waxyaabaha u sahli kara inuu hawshiisa guto.
 
Waxaa haboon in waalidku ilmaha la joogaa kolkii uu howsha iskuulka sameynaayo ama waa inuu meeshaas ka ag dhow yahay, waa in dhamaan waxyaabaha ardayga khal-khalka galin kara laga fogeeyaa goobta akhrisa, waxyaabahaas waxaa ka mid ah Raadiayaha, Tv-ga, komputerka iyo wax kasta oo ilamaha mashquulin kara.
 
Xidhiidh la sameyso iskuulka
Waxa lagama maarmaan ah in waalidku xidhiidh joogto ah la yeesho iskuulka ilmuhu dhigto, waa in waalidku tagaa iskuulka kolkuu sanad dugsiyeedku bilaabmo si ay isu bartaan macalimiinta iyo maamulka dugsiga taasi waxay keentaa in waalidku noqdo mid laga tixgaliyo iskuulka macalimiintuna waxay noqonayaan kuwo mar walba kula socodsiiya hadba meesha ay tacliinta ilmahaagu marayso iyo waxyaabaha loo baahan yahay in ardayga laga caawiyo waxaana haboon in waalidku ku biiro gudiyada kala duwan ee iskuulka haddii taasi aanay suurogal ahayn waxaa haboon in waalid kale galo gudigaas si uu waalidiinta kale ula socod siiyo halka ay howlaha guud ee dugsigu marayaan, waxa iyana muhiim ah in waalidku wiiggiiba hal mar soo booqdo iskuulka ilmihiisa si uu indhihhiisa ugu soo arko siyaabaha kala duwan ee ilmihiisa wax loo baro.
 
Waydii macalimiinta maalmaha la doonaayo in lasoo celiyo shaqooyinka ilmaha loo diray (Home work), waxa kaloo waydiisaa haddii ay jiraan waxyaabo kale oo dheeraad ah oo ilmahaagu u baahan yahay. Su’alaha noocaas ah waa kuwo ay macalimiintu aad u qiimeeyaan, waxaana waalidka loo arkayaa waalid dadaal badan oo aad u halgamaaya.
 
 

Leave a Reply