Kulan Taariikhi ah oo Dhex maray Maraykanka iyo Kuuba

0
470

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay madaxweynaha Kuuba Raul Castro uu noqon karo kullan wax badan ka badeli kara xidhiidhka Maraykanka iyo wadamada latin Amerika.
Wadahadalada ay ku yeesheen dalka Panama ayaa ahaa kuwii ugu horeeyey oo rasmi ah oo dhax mara labada dal in ka badan nus qarni.
Obama ayaa wadahadalada ku tilmaamay kuwa midha dhal ah, kuna dheehnaaa furfurnaansho waxa uuna intaasi ku daray in Maraykanka aanu doonayn in uu isbadel dhinaca xukumadda ah uu ku sameeyo Kuuba.
Muhimada kullanka, waxa ka hadalay labada mas’uul iyadoo Obama uu kulankaasi ku tilmaamay mid taarikhi ah, isla markaasna uu sheegay in uu rajaynayo in ay sii wadi doonaan hormarka ay ku talaabsadeen..
Waxa uu ku tilmaamay kulankaasi mid isbadel ku keeni kara xidhiidhka Maraykanka iyo guud ahaan wadamada Gobolka.
Hoggaamiyaasha Latin Amerika iyo Karebiyaanka ayaa soo dhoweeyey dib u heshisiinta dhax martay Maraykanka iyo Kuuba, waxayna sheegeen in ay ahayd talaabo geesinimo ah, laguna soo afjarayo cadaawadii uu reebay dagaalkii qaboobaa.
 

Leave a Reply