Masar: Qarax ka dhacay waqooyiga Sinai

0
314

Qarax bambaano ayaa dilay shan askari waxayna dhaawacday saddex kale waqooyiga Sinai ee dalka Masar.
Gobolka ayaa waxaa ku soo batay weerarka mintidiinta ay ku qaadayaan ciidamada ammaanka. Mintidiinta ayaa dhawaan balanqaaday inay xidhiidh la yeelanayaan Daacish.
Dowladda ayaa balanqaaday inay jabin doonto mintidiinta, laakiin ilaa hadda wax guul ah kama gaadhin.
Isbadal lagu samaynayo taliyaasha ciidanka la dagaalamaya argagixisada waqooyiga Sinai ayaa lagu dhawaaqay.

Leave a Reply