Nayjeeriya: Hablihii la Afduubay oo Sanad la la'yahay

0
380

Waxaa hal sano oo buuxda laga joogaa markii in ka badan 200 oo hablo iskuulay ah ay kooxda Boko Xaraam ka afduubteen waqooyi bari Nigeria.
Afduubka gabdhahaasi iskuulayda ah ayaa waxaa ka dhashay olole caalami ah oo loogu magac daray soo celiya hablahayaga.
Hasayeesee 12 bilood kaddib 219-kaasi gabdhood ee laga afduubtay magaalada Chibok weli meelna laguma sheego.
Dowaldda Nigeria ayaa si ballaadhan loogu dhaleeceeyay inay ku guuldareysatay inay arrintaasi wax ka qabato, halka guuldaradii soo wajahday Madaxweyne Goodluck Jonathan doorashadii la qabtay dhawaantan qeyb ahaan loo tiriyay inuu wax ka qaban waayay kooxda jihaadiga ah ee Boko Xaraam.
Sanad dhameystiran ayey ku noqotay ehelada gabdhaha 219 ka ah ee laga afduubtay Chibok, ee waqooyiga dalka Nigeria.
Waxaa jiro dhowr jeer oo gabdhahaasi la arkay, balse waxaa yar wararka saxda ah ee dowladda laga helayo, taas oo sheegtay inay wacad ku mareyso soo badbaadinta gabdhaha oo ay qafaasheen ururka Boko Haraam.
Mid ka mid ah hooyooyiinka, ayaa BBC-da u sheegtay, in mararka qaar ay dhar u diyaariso gabadheeda oo 19 sano jir ah, iyadoo rajo ka qabta in guriga ay ku soo noqon doonto.
Baaxadda dhibaatada argagaxa leh ee ka dhalatay gabdhaha lala’yahay ayaa waxa ay dhibaato iyo niyad jab ku tahay ehelada gabdhohooda ee gacanta ugu jira Boko Haraam.
Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International, waxa ay sheegeysaa in ugu yaraan 2,000 oo haween iyo gabdho yaryar la afduubtay tan iyo bilowgii sanadkii hore.
Kuwa badan ayaa baxsaday, taas oo looga mahadcelinayo militariga oo dhowaan howlgal fuliyay, balse kuwa soo baxsaday ka mid maahan gabdhihii Chibok laga afduubtay.
Waxay u muuqataa in gabdhahaasi qiimo ay ugu fadhiyaan Boko Haraam. Lamana oga tirade badbaaday, iyo meesha lagu haysto inta kale ee weli lahaysto.
Madaxweynaha la doortay ee Nigeria Muhammadu Buhari waxa uu ballan qaaday in dowladdiisa ay sameyn doonto wixii karaankeeda ah si gabdhahaasi guryahooda ugu soo celiso, inkastoo uu qirsan yahay inay macquul tahay in arrintaasi aysan suuragalin.

Leave a Reply