Dhakhaatiir Kuwa Ilkaha Ah Oo Soo Saaray Qalab Suuska Lagula Dagaalami Karo

0
480

Kooxo cilmibaadheyaal ah oo ka mid ah dhakhaatiirta jaamacadda Rochester iyo dhakhaatiir Maraykan ah oo ka socday maxadka caafimaadka Ilkaha ee Dental School oo kamid ah Pennsylvania University ayaa soo saaray qalab ay sheegeen inuu ka hortegi karo jeermiska keena suuska .
Xanuunkan oo ay sheegeen inuu inta badan sonkorta ka dhasho iyo waxyaalaha kale ee macaan ayay kooxdani sheegeen in qalabkani lee yahay Chemicals laynaaya jeermiska ilkaha ku dhalanaaya marka la cuno waxyaalahaasi macaan,iyada oo bacteria-daasi ay ilkaha kusii dayso siday sheegeen Acids (Aysidh) burburka ilkaha keenta.
Qalabkan ayaa ka kooban dawo la marinaayo dushiisa ,kaas oo adkaynaaya dusha sare ee ilkaha ,sidoo kalena dahaadhaaya diirka ka sareeya ciridka ilkaha.
Kooxahan ayaa sheegay in aanay wax samayn ah lahayn ama dhibaato ah qalabkaasi iyo dawada la isticmaalayaaba,iyada oo aad looga taxadiray arrimahaasi,waxaanay sheegeen inay tijaabooyin badan mariyeen qalabkan iyo dawooyinka loo isticmaalaayoba.
Sidoo kalena waxay tilmaameen in dawadani aanay carabka waxba soo gaadhsiinayn ,lana marin karo ,iyada oo carabku yahay mid qaadi kara germs kaasi keena suuska,waxaana dawadaasi lagu magcaabaa ama qalabkaasi FARNESOL NEW FORM.
 
 
 

Leave a Reply