Dhakhaatiirta Oo Soo Saaray Hab Cusub Oo Si Fudud Loogu Daweyn Karaayo Kansarka Caloosha

0
434

Dhakhtarada ayaa markii ugu horeysay ikhtiraacay hab cusub oo lagu daweyn karo Kansarka ay Gasterigu keento ee caloosha,kaas oo noqonaaya hab caalamka ku cusub ,aadna u fudud,siday sheegeen kooxdaasi dhakhaatiirta ahi.
Dhakhaatiirtan oo u dhalatay wadamada Israel iyo Latvia ayaa sheegay in habkan cusubi yahay mid wax weyn ka taraaya Kansarkaasi caloosha ku dhaca,iyada oo qofka maray ku cuslaato neefsigu loo fududaynaayo,waxaana la isticmaalayaa dawooyin Chemicals ah oo laynaaya waxyaalaha Infections ka ah ee caloosha ku keenaaya inuu xanuunkaasi ku faafo ama ku fido.
Kansarkan ku dhaca caloosha ayaa ah mid noociisu yahay mid cusub ,lana arkay waqtiyadii ugu dambeeyey,isaga oo ah nooc kamid ah noocyada yar ee fida,kaas oo noqda mid ay adag tahay in la daweeyaa.
Tijaabooyin ay sameeyeen ayay ku sheegeen inay jirto guul la taaban karo oo ay ka gaadheen habkan cusub ee ay doonayaan inay ku daweeyaan xanuunkan ,waxaanay sheegeen inay tijaabo ku sameeyeen 484 qof oo mutadawaciin ah,kuwaas oo 99 kamid ahi ay ka badbaadeen xanunkaasi,waxaanay sheegeen inay arrintani ku xidhan tahay wejiyada kala duwan ee uu xanuunkaasi maro.
Tijaabadan iyo qaabkan cusub ayaa noqonaaya mid la eegi doono,iyada oo haddii uu midha dhal noqdo loo soo bandhigi doono inay isticmaalaan dhakhaatiirta kale,isla markaana la rajaynaayo inay ku badbaadaan dad badan oo xanuunkaasi la nooli.
 

Leave a Reply