GorGorka Oo La Ogaadey Habka Uu U Ugaadhsado

0
554

Khubaro u dhalatay wadanka  Dutch ka ayaa mid kamid ah gor gorada ay ku sameeyaan tijaabooyinka ku xidhay Camera,iyaga oo doonaayey inay ogaadaan sida uu u ugaadhsado, sidoo kalena waxay kooxdani sheegeen inay doonayeen inay ogaadaan masaafada uu wax ka arki karaayo.
Khubaradan ayaa madaxa gorgorkan ku xidhay Kamarad culayskeedu yahay 20 gram,taas oo aan wax culays ah ku hayn madaxiisa,sidoo kalena ahayd mid aanu dareemayn isagu,waxaana wabiga lagu sii diyaariyey intii aan lasii dayn gorgorkaasi nin kaluumayste ahaa oo kalun sii diyaariyey,intaas kadibna waa lasii daayey.
Gor gorkaasi muu tegin dhanka webiga ee wuxuu u ugaadhsi tegey dhinac kaymaha ,isaga oo ugaadhsaday sida laga arkay camera-da 16 xayawaan oo isugu jiray bakayleyaal iyo shimbiro.
Waxaana lagu ogaadey baadhitaankaasi inuu markasta isticmaalo gorgorku dhinacyo kala duwan oo weeraro uu ka qaado,gaar ahaana dhinaca xayawaankaasi u cararaayo maahee dhinacyada kale oo uu kaga yimaado,sidoo kalena uu ka arki karo masaafo aad u dheer waxa uu doonaayo inuu ugaadhsado.
 
 

Leave a Reply