Waa Shirkada Tuug Ah

0
1315

Romario Preto oo ah nin sameeya sawirada xayaysiiska ah ayaa dacawad ku soo oogay shirkadda weyn ee Apple. Ninkan ayaa ku dacweeyay shirkadda in sawiradiisa xayaysiiska ah ay ku dayatay oo dacaayadaha ganacsi ee gaarka u ah xayaysiiskeeda ku samaysatay iyadoon ogolaansho ka helin qofkii curiyay. Dacawadda ayaa lagu eedeyay in shirkadu bishan April bandhiga ay ku qabatay Florida ee Maraykanka ay si toos ah u adeegsatay sawirada xayaysiisyada ganacsi ee Romario u sameeyay shirkadaha kale. Romaria ayaa si toos ugu wareeray erayada waa shirkad tuug ah. Maxakamadda ayaa ka dalabtay Apple inay joojiso inta dacawadu dhamaanayso adeegsiga sawirada xayaysiika ee muranku ku jiro.

Leave a Reply