WEEDHA WARGEYSKA: Midowga Yurub Somaliland Kama Duwi Karo Dariiqa Ku Dhaqanka Shuruucda Dalkeeda!

0
469

Xukuumadda Somaliland waxay qaaday tallaabo qaranimadeenna quwaysay oo ay ku   dabaqday manhajka samaawiga ah ee EEBE ugu tallo-galay in loogu kala xaq qaado adoomihiisa.  13-kii bishan April oo ku ku beegnayd Isniintii toddobaadkii hore, waxa  dil qisaas ah lagu fuliyay lix gacan ku dhiigle oo ay ku cadaatay inay geysteen dilal badheedh ah , iyagoo  qaarkood muddo sannado ah ay xukun sugayaal ku ahaayeen xabsiyadda dalka.
Xukunkaas la fuliyay waxa uu keenay qalbi samaan ay   muwaadiniinta reer Somaliland u arkeen  in dawladoodu ay  ku dhaqantay shareecadda islaamka iyo shuruucda uu qaranku dhigtayba.
Waxay aamineen  in  Go’aankani uu hoos u dhigayo dilalka dalka Ka dhaca oo sannadahan dambe aad u soo kordhay, isla markaanna xataa gaadhay in ciidammada qalabka sida dhexdooda dilalku ku soo bateen.
Qisaastani waxa ay dhabada u jeexaysaa in kuwa jeelka wali baaqiga ku sii ah ee dil sugayaasha ahi ay  iyaguna maalin aan fogayn dhadhamin doonaan ciqaabtii ay muteen kuwii ay dunuubta isku midka ah wada geysteen.
Ra’yul caamka  Somaliland waxay arragti raqiis ah iyo dood aan macno badan xambaarsanayn ku masaaleen  baaq midowga Yurub ay Somaliland ku cambaareeyeen fulinta xukunada qisaasta ah. Waxa dadweynuhu ay  sheegeen in qaabkii midowga Yurub hadalkooda u dhigeen uu macnihiisu ahaa inay  ku dedaalayaan inay Somaliland ka duwaan shareecadda islaamka iyo qiyamka islaamnimo labadaba.
Aan  yar dul istaagno xikmad darradii uu xambaarsanaa baaqii midowga Yurub. “Midowga Yurub waxa uu  ka soo horjeedaa fulinta xukunka dilka ah wax aan la filaynin oo dib u dhac ku ah horumarka Somaliland ay gaadhay illaa iyo hadda ee dhinaca ku dhaqanka sharciga,”ayaa lagu yidhi qoraal ay soo saareen 15-kii Bishan.
 
Waxa dadweynuhu u guuxay sidii dawladda Somaliland ay si deganaansho ku jiro uga hal-celisay tallaabadaas gurracan ee ka hor imanaysa dhawrista xuquuqul insaanka.
“Dalkani qawaaniin iyo shuruuc uu dhigtay ayuu leeyahay, kuwaasaanna lagu dhaqmayaa cid iska hor taagi kartaa Somaliland inay qawaaniinteeda ku dhaqantaanna ma jirto cid kasta oo cambaarayn sheegtana iyaga ayay u taallaa,”ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, oo u waramay wargeyska DAWAN.
 
Wasiirku waxa uu  midowga Yurub ku war-geliyay inaan la joojinayn fulinta xukumada qisaasta ah, waxaannu yidhi “Xukunka Qisaasta ah  lama joojinayo, dalku sharci ayuu leeyahay sharciga dalku cidda uu qisaaso ee mara qawaaniinta dalka cidna looga habran maayo fulintiisa iyo ku dhaqanka shuruucda dalka. Cidda ay khusayso qawaaniinta dalku ee ay saamaynaysaa waa bulshada reer Somaliland bulshadayaduna way nagu hambalyaysay oo raalli ayay ka tahay fulinta qisaasta.”
“Midawga Yurub waxay sheegayaan dalalkooda ha ku xukumaan, dalka Somaliland ma khusayso lagumana dhaqayo wax aan ahayn shuruucda u degsan ee uu qaranka ku yahay fulinta qisaastana nolosheenna ayaa ku jirta oo waxaad ka garan kartaa sida ay dadku ugu farxeen,”ayuu doodiisa ku qurxiyay Wasiirka u hadlay Somaliland.
Somaliland waxay ka mid tahay qarramadda adduunkan casriga ah ee u ban-baxay taabo-gelinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo dhawrista xuquuqda aadamaha. Waxase ay gows dambeedka ku haysataa inay meel mariso sharciga wadankeeda u yaalla oo waafaqsan diinta islaamka. Midowga yurub kama  duwi karaan  qiyamka diinta islaamka iyo ku dhaqanka sharciga.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply