13 Malyuun Oo Shinni Oo Baxsaday

0
442

Maalintii Jimcihii ee todobaadkan ina dhaafay dalka Maraykanka Gaadhi siday 448  saxaaraddood oo ay ku jireen 44 malyuun oo shinni ah ayaa ku qalibmay dalkaasi. Gaadhiga ayaa qalibmay markii taayir hore u qarxay. Arintan ayaa keentay inay baxsadaan 13.7 malyuun shinni ah  sida ay baahisay wakaaladda wararaka Y.B.I . Shirkadda iska lahayd shinidan ayaa goobta u dirtay kooxaha u qaabilsan takhsuska shinnida  iyagoo ku guulaystay inay soo qabtaan 10 malyuun . Nasib wanaag  wakhtiga uu gaadhigu dhacay  ayaa aha wakhti aanay weli qoraxdu soo bixin waxaana la sheegay in haddii uu heerkulka dhulka sarayn lahaa inay shinnidaasi u suara geli lahayd inay wada baxsato. Dalka Maraykanka ayaa si weyn uga faa’iidaysta Shinnida iyagoo u adeegsada malabka ka sakow , wax sooraaska cuntada iyo beeraha oo ay ku samayaso bacrimin.

Leave a Reply