Eyda Shaybaadha Xanuunka Kansarka

0
528

Saynisyahano Talyaani ah ayaa sheegay in ay ogaadeen hab cusub oo lagu baadho kansarka qanjirka ‘prostate’, oo ah kan qaabilsan kaadi mareenka. Habkan ayay sheegeen inay Ey u tababareen kuwaasi oo awood u leh  inay ogaadaan inuu xanuunka kansarka oo ku dhacay qandhijkaasi iyo inuu si kale u buko. Cilmi baadhistan ayaa laga gaadhay natiijo saxa 98%.
Wargeyska “The Telegraph ” ayaa daabacay in  baadhayaasha xarunta qaliinka xubnaha kaadi mareenka ee Humantis ee magaalada Milano ee dalka Talyaaniga ay arintaasi ku guulaystaeen. Isagoo sharaxay  in Eydu ay awood u leedahay inay uriso kaadida, qofka qaba kanasarka ku dhac qanjidhka kaadi mareenka.  Tani ayaa joojinaysa in qofka muddo qaadato baadhista. Eyda ayaa 900 qof oo ay kaadida ka eegen kansarkan,  360 ka mid ah ku sheegay inay qabaan kansarkaasi.
Dr. Kleir oo ka mid ahaa dhakhaatiirta asaastay Jimciyadda Eyda caafimaadka loo adeegsado uu sheegay inay tani cadanayso in Eydu awood u leedahay inay ogaato kansarka aadamiga ku dhaca.
 
 

Leave a Reply