Gabadha Wanaagsan

0
1000

Waxay ahayd mid salaada hore u kicisa odaygeeda Salaadda si uu ugu soo tukado masaajidka. Maalin kasta masaajidka ayuu ku soo tukada subaxa. Maalin ayaa markii uu salaadda ka baxay Imaamkii u yimi wuxuuna ku yidhi ma adigaa ayay xaaskaaga tahay gabadha heblaayo ? .. Ninkii oo aad u yaaban ayaa ku yidhi haa, ee adiga maxaa ku ogaysiiyay in magacaasi la yidhaado?  Sheekhii ayaa yidhi “ Xalay  riyo ayaa ku riyooday, waxaana la igu yidhi dhamaan dadka jamaca koowaad ku tukada masaajidkiina salaadda subax waa ehlu Janoo, dadkii markii aan eegay waxa ka mid ahayd gabadh muuqaalkii lay tusay ? Ka dibna waxaan weydiiyay oo gabadhaasina maxaya ahayd, masaajidka noogu timaadee ? Waxaana la iigu jawaabay waa gabadhii heblaayo ee xaaska u ahayd hebel oo idinka ka mid ah. Khayrka oo loo dheereeyo ayaa keenaya  guusha aakhiro ee janada.  (Al-Bayaan).

Leave a Reply