Qoyska: “Ma Aasayno waxaan sugaynaa inay soo noolaato”

0
505

Qoysk u dhashay dalka Thailand ayaa talaajad ku riday maydka gabadh yar oo ay dhaleen. Gabadhan oo da’deedu laba sano ahayd ayaa u dhimatay xanuuna ku soo booday oo dhinaca maskaxada ah. Labada waalid ayaa aad u jeclaa gabadhan yar waxayna sheegeen in aanay aasayn oo ay rajo ka qabaan in la helo hab ay ku soo noolaan karto. Sida uu daabacay wargeyska Daily mail dhakhaatiirta ayaa cadeeyay dhimashada gabadhan yar iyagoo sheegay inuu maskaxda kaga dhacay xanuunka kansarka maskaxda oo marar yar ku dhaca caruurta da’doodu yar tahay. Waxayna dhakhaatiirtu si ramsi ah ugu sheegeen labad waalid in dhinaca bidix ee masakxadeedu aanay muddoba shaqaynayn isagoo kasnarkii baabiiyay. Waalidka ayaa ku adakaysanaya in la heli doono hab loogu soo celiyo nolosha ayna ku daynayaan talaajadda inta taasi ay helayaan.  Waxayna hadalkooda ku soo xidheen “ Ma aasayno, waxaan sugaynaa inay soo noolaato”.

Leave a Reply