Xusuusta Dumarka iyo Ragga Teeba Fiican?

0
466

Daraasad cusub oo uu daabacay wargeyska Jama Neuralgia ee dalka Maraykanka ayaa cadaysay in xusuusta ninku ay ka liidato tan gabadha wakhtiyada danbe ee da’du weynaato. Daraasadda ayaa intaasi ku dartay inay taasi sabab u tahay iyadoo qaybta xusuusta ee maskaxda raga ay ka yar tahay tan gabadha. Dr.Jack oo ka mid ahaa dhakhaatiirta hawshaasi waday ayaa yidhi “ Xusuusta iyo xajmiga maskaxda ee raggu way ka yar tahay tan gabadha marka laga bilaabo da’ada 40 sano iyo wixii ka sii sareeya” . Cilmi baadhayaasha ayaa helay inay isku dhow dahay xusuusta lamaanaha wakhtiga da’da sodonaadka, laakiin marka la gaadho da’ada 40 –ka xusuusta raga ayaa aad hoos ugu dhacda. Dr. Carly oo ah khabiir Neerfiyada ah ayaa isna sheegay inay arimuhu sidaasi yihiin ka dib markii aanu qiyaas iyo baadhis ku samaynay dad da’adoodu u dhaxayso 30 -95 sano.

Leave a Reply