Afgaanistaan: Golaha Wasiirada oo la Dhamaystiray Toddoba Bilood ka dib

0
409

Madaxweynaha Afghanistaan  Ashraf Ghani ayaa dhaariyay 16 wasiir oo cusub, kuwaasi oo dhamaystir u noqonaya golihiisa wasiirada oo soo kala dhantaalaa ugu yaraan muddo toddoba bilood ah oo dib u dhac ah.
Dhammaanba wasiiradaasi oo lagu  dhaariyay xaflad ka dhacday Kaabul ayaa ah wejiyo cusub. Waxaana markii ugu horaysay afar ka mid ahi yihiin haween.
Haseyeeshee jagada muhiimka ah ee wasiirka gaashaandhigga ayaa weli bannaan, waxaanay sababtu tahay is afgarnwaa ka dhex jira dawladda midowga ah.
Dhismaha golaha wasiirada ayaa waxa lugta jiidaya ninka ay Mr Qani ku loolameen doorashadii kal hore ee Abdullah Abdullah, oo isagu haya jagada madaxa howlfulinta.
 
Golaha wasiirada Afghanistan ayaa haatan ah 24 xubnood, waxaana ka dhiman hal xubin oo ah gaashaandhigga.

Leave a Reply