Kabtankii Doontii ku Degtay Liibiya oo la Maxkamadeeyay

0
392

Dawladda Talyaanigu waxa ay sheegtay in xilkasnimo la’aan lagu maxkamadeeyay kabtankii doontii ku dagtay xeebaha Libya Axadii, taas oo ay ku dhinteen boqolaal qof. Waxaa kale oo lala maxkamadeeyay shaqaalihii kale ee doonta oo Suuriyaan ah.
Labadaasi qof waxa ay ka mid yihiin 27 qof oo ka badbaaday kuwaas oo gaadhay Sicily Isniintii.
Saraakiishu waxa ay sheegeen in masiibadaasi ay sababtay khalad uu sameeyay Kabtanka.
Dacwad oogayaasha dekadda Sicilian waxa ay sheegeen in doontu ay ku dhacday markab koonteenaro wada oo Boortaqiis laga leeyahay inta aysan doontu dagin ka hor. Balse waxa ay dambiga ka fogeeyeen shaqaalaha markabka ganacsiga.
 
Dhinaca kale, Midowga Yurub ayaa soo saaray qorshe 10 qodob ka kooban oo la doonayo in wax looga qabto mashaqada dadka muhaajiriinta, taasoo jawaab u noqonaysa dhibaatooyinkii ugu dambeeyey ee keenay in baddaas ay ku dhintaan boqollaal qof. Haweeneyda hogaamisa siyaasadda arrimaha dibadda ee midowga Yurub Federica Mogherini, ayaa waxay sheegtay in talaabooyin dheeraad ah la qaadi karo si loo joojiyo dadka la soo tahriibiyo.
Waxay kaloo sheegtay in la xoojin doono hawlaha samatabixinta iyo baadigoobka, ayadoo lala kaashanayo hay’adda midowga yurub u qaabilsan soohdimaha.
 
 
 

Leave a Reply