Sacuudi Arabia oo soo Afjartay Duqeyntii Cirka ee Yemen

0
417

Isbahaysiga  Saudi Arabia hor boodayso  ayaa dhamaystiray ololihii  duqaynta ee ay  ku hayeen  fallaagada Yaman, sidaasna waxa sheegay telefishanka dawladda Sucuudiga. Warka  telefishanka ayaa sheegay in isbahaysigu ololihiisa duulaanka ahaa uu ka gaadhay ujeedadii  milateri ee laga lahaa. coalition’s Decisive Storm campaign had achieved its military goals, the report said.
Waxa warku intaa ku daray in uu bilaabmayo hawlgal hor leh  oo loogu yeedhay rajo soo celinta, kaasi oo diiradda lagu saarayo xal siyaasadeed oo laga gaadho arrinta Yaman iyo amniga iyo la dagaalanka argagixisada gudaha.
Isbahaysiga ayaa duqaynta soo waday mudo ku dhaw bil balse inta badan kuma guulaysan inuu hor istaago horusocodka Xuutiyinta.
Afhayeen u hadlay isbahaysiga Sacuudiga Brig-Gen Ahmed al-Asiri  oo ugu warramay warbaahinta  caasimada  Riyadh  salaasadii shalay ayaa sheegay in ay soo afjareen hawlgalkii duqaynta ahaa sidaasna ay ka codsatay dawladda Yaman iyo madaxweyne  Abdrabbuh Mansour Hadi.”

Leave a Reply