Isticmaaka Kalluunka Oo Dadka Waaweyn Ka Ilaaliya In Maqalkoodu Lumo

0
419

Daraasad cusub oo dhowaan la sameeyey ayaa lagu sheegay in kalluunku dadka waaweyn ka ilaaliyo maqalkooda oo luma ,gaar ahaana markay gaadhaan  da’ahaan 40 ilaa 90 sanno,iyada oo ay sheegeen kooxda daraasadaasi samaysay inay kaluunka ku jirto maado macdan ah oo lagu magcaabo Omega-3.
Daraasadan oo lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo American Journal of Clinical Nurtrition ayaa lagu sheegay in tijaabo lagu sameeyey dumar iyo rag gaadhaaya  da’ahaan inta u dhaxaysa 40 ilaa 90 sanno  ay ka bed qabaan dhego la’aan iyo dhego culays intaba,iyaga oo sheegay inay toddobaadkiiba laba jeer cunaan kaluun.
Daraasado hore ayaa sidoo kale lagu cadeeyey faa’idooyinka kauluunka,gaar ahaana macdanta ku jirta ee lagu magcaabo Omega-3 oo ah mid u fiican dhinaca maqalka,waxaanay  ahayd daraasadii ugu horeysay ee laga sameeyaa laguna ogaadaa macdanta iyo faa’idooyinkeeda mid la sameeyey sannadkii 2004-tii,waxaana daraasadaasi lagu ogaaday faa’idooyinka uu kaluunku u lee yahay maqalka,sidoo kalena waxa la ogaadey inuu yareeyo dhiiga oo kaca,inay yaraadaan xididada dhiigta qaadaa,dhiig yaraanta iyo xanuunka Cancer-ka oo uu isna ka hortago.
Daraasad hore oo la sameeyey sannadkii 2008-dii ayaa lagu sheegay in kaluunku uu sidoo kalena yareeyo indhaha oo daciifa ama araga oo daciifa.
Madaxa kooxdan samaysay daraasadan oo lagu magcaabo Dr Sharon Curhan ayaa sheegay inay rajaynayaan inay sii wadaan baadhitaanka faa’idooyinka cunitaanka Kaluunka,sidoo kalena ay ka eegi doonaan dhinacyo kala duwan.
 
 

Leave a Reply