Xukunka Maxamad Mursi oo la Dhaliilay

0
453

Ururka Akhwanu muslimiinta ayaa si weyn u dhaliilay xukunka  madaxweynihii hore ee Masar, waxaanay ku tilmaamenn xukun macmal ah oo xukuumaddu dabada ka riixayso.
Maxkamad ku taalada dalka Masar ayaa Madaxwaynihii hore ee Masar Maxamad Mursi ku xukuntay 20 sano oo xadhig ah. Maxkamad ku taalla Masar ayaa lagu wadaa inay go’aankii ugu hoereeyey ka gaadho tiro kiisas ah oo dhan ka ah madaxweynihii hore, Maxamed Mursi, oo milaterigu ay xukunka ka tureen sannadkii 2013.
Waxaa lagu eedeeyey, isaga iyo tiro kale oo ka tirsan hogaamiyeyaasha Akhwaanul-muslimiinka, inay kiciyeen taageerayaashooda oo dilay wariye iyo banaanbaxayaal mucaarad ah, isku dhacyo ka dhacay dibadda qasriga madaxtooyada.
Boqollaal ka tirsan taageerayaasha Akhwaanul-muslimiin ayaa dil lagu xukumay, kooxdaas waxaa mamnuucay madaxweyne Cabdulfataax Al-sisi.
Ikhwaanku waxay madaxweynaha ku eedeeyeen in nidaamka caddaaladda uu u isticmaalayo hub ahaan.
 
 
 

Leave a Reply