Khabiir Maraykan Ah Oo Ikhtiraacay Walax Biyaha Iyo Cad Ceeda Ku Shaqaynaysa Waxna Lagu Karsan Karo

0
364

Khabiir lagu magcaabo Patrick Harfan ayaa markii ugu horeysay ikhtiraacay aalad cusub oo lagu karsan karo waxyaalo kala duwan ,taas oo ku wada shaqaynaysa falaadhaha cadceeda iyo biyaha oo ay ka samaynayso tamar ay u isticmaalayso sida Electricity-ga oo kale.
Aaladan ayaa dhererkeedu yahay 5 Inch oo keliyaata,sidoo kalena waxa lagu wada Karin  karaa markeliyaata 8 cunto oo noocay doonan noqon kara,waxaanay ka dhigan tahay inay 8 qof wax ku wada karsan karaan haddii loo baahdo.
Aaladan oo uu ku magcaabay GoSun ayaa cuntada ka dhigaysa mid karisa laydh la’aan,iyada oo aan la isticmaalayn wax gaas ah,waxaanay noqon kartaa mid si fudud u badbaadisa degaanka,umana baahna in wax kale lagu xidho.
Waxaana iminka dhamaaday tijaabadii ugu horeysay ee lagu samaynaayey walaxdaasi,waxaanu sheegay khabiirka ikhtiraacay inuu dadka marka ugu horeysa ugu tabaruci doono,si uu u badbaadiyo degaanka,dadkuna u helaan walax ay si fudud wax ugu karsan karaan,hadhowna aanay noqon doonin mid qaaliya.
 
 

Leave a Reply