Koob Bun ah Oo Cabsi Ku Abuuray Safar dayuuradeed

0
375

Dayuurad uu raacay madaxweynaha Serbiya, Tomislav Nikolic, Salaasadii todobaadkii hore isagoo booqasho ku tegayaya Talayniga lana kulmi lahaa wadaadka Fatikanka ayaa dib ugu soo noqtaya garoonka Belgard, ka dib markii ay six un u gariirtay taasi oo loo sheegay in mishiinada midkooda xumaaday.
Laakin mar danbe ayay soo baxday in kaaliyaha duuliyuhu uu koob bun ku shubtay boodhak dayuuradda laga xukumo kaasi oo sababay in dayuuraddu ay wada gariirto.  La taliyaha madaxweynaha ayaa sheegay in dayuuradu ay ahayd nooc faransiis ah oo gabooa oo 34 sano jiray, ayna taasi tahay sababta keentay inay sii wadankari weydo sfarakeeda.  Madaxweynaha ayaa lagu khasbay inuu dayuurad kale raaco oo uu la kulmo Pope Francis ee Vatican-ka.
 
 

Leave a Reply