Qiso: Sidee Ayay Mar Keliya Isugu Bedeleen Quluub Naxariis Badan?

0
403

Laba wiil oo dhalinyaro ah oo degenaa magalaada Madiina,  ayaa tegay dalka Turkiga si ay halkaasi uga helaan fursado tumashada iyo cabista mukhaadaraadka ah. Markii ay gaadheen Istanbuul waxay tegeen magaalo dalxiis oo ku taalla dhanka miyiga. Waxay halkaasi ka kiraysteen huteel, markii ay maamulaha Huteelka waraqaaha u dhiibeen waxa uu weydiiyay xagee ka timaadeen? Midkood aya ku jawaabaya Madina. Aad ayuu u farxay ninkii Huteeelka maamulayay inay ka yimaadeen dhulkii barakada lahaa. Waxaana uu geeyay qol aad u wanaagsan isagoo ku sharfaya magaalada ay ka yimaadeen. Habeen ayay soo cabeen khamri, wayna seexdaan. Si kedis ah ayaa iyagoo hurda albaabkoodi loo garaacay waa 4:30 Subaxnimo. Midkood ayaa ka furay isagoo daala dhacaya. Waxa uu ahaa xafiiska Huteelka ninkii maamulayay, waxaana uu u sheegay in imaamkii masaajidka uu diiday in dadka tukiyo mar hadii ay joogaan niman ka yimi Madiina. Iyaga ayaa ina tukinaya ayuu yidhi, markaa soo baxa oo kaalaya dadka tukiya. Wiilkuu u sheegay ayaa aad u naxay oo toosiyay saaxiibkii oo ku yidhi waar max xifidsan tahay suurado quraan ah?  Waxa uu diiday isna inuu tukiyo, iyagoo weli fadhiya oo ka fekeraya arinka  ayuu haddana albaabkii garacaay. Haa waan idin sugaynaa soo baxa yaanay Cadceedu inaga soo bixine.   Waxay galeen xamaamkii wayna maydheen. Markii ay masaajidka soo galeen waxaad moodaysay in salaad Jimce dadku tukanayaan waana ay na salaameen ayuu yidhi midkood. Midkood ayaa salaada galay si uu u tukiyo, markii uu bilaabay faataxada ayay dadkii wada ooyeen iyagoo xusuustay masaajidka Nebiga (scw). Markii uu salaada ka baxay waa lagu soo ururay sidaasi ayay ku ooyeen. Allah ayaa hanuunka haya labadaasi dhalinyarada ahi sidaasi ayay  ducaad waaweyn oo caan ah diinta faafisa ku noqdeen.
 
 
 
 

Leave a Reply