Shiinaha Oo Dumarka Ku Soo Rogay Inay Naaska Siiyaan Caruurta, Lacago dhiirigelin ahna u Qoray

0
462

Sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wakaalada wararka ee dalkaasi Chine  ee Xinhua  dawlada dalkaasi Chine ayaa soo rogtay sharci ka mamnuucaaya dumarka dalkaasi Inay caruurta siiyaan caanaha budada ah ee lagu siiyo Masaasada.
Waxaanu sharcigani dhigayaa in haweenayda naaska ilmaha siisa la siiiyo lacag gaadhaysa $18 Billion oo Dollar,taas oo looga dhigaayo abaal marin,sidoo kalena waxay dawladu mamnuucday masaasada oo ah waxyaalaha caruurta inta badan lagu siiyo caanahaasi budada ah .
Wakaalada ayaa intaasi ku dartay in dawladu ay doonayso inay ka hortagto waxyaalaha aan caafimaadka u fiicnayn ee caruurta la siinaayo ,sidoo kalena ay doonayso inay caruur dheeli tiran maskax ahaan iyo jidh ahaanba soo baxaan.
Dumarka wadanka Shiinaha ayaa la sheegay in saddex meelood ay meeli caruurta caanaha naaska siiyaan,taas oo keentay inay hoos u dhacdo caafimaadkii caruurtaasi soo dhalanaysaa ,sidoo kalena koraysaa,waxaana la tilmaamay in qaybta keliyaata ee siisaana ay yihiin kuwo siiya lixda bilood ee ugu horeeya.
Waxay sheegtay dawlada dalkaasi in sannadka 2017 ka ay qoys kastaaba heli doonaan $30 billion oo lacagta Maraykanka ah ,haddii ay sii wadaan nuujinta caruurta,sidoo kalena joojinta masaasadaha ayaa la doonayaa in lagu kharash gareeyo lacag dhan 1 million Yuan ah (Lacagta Chine) una dhiganta $161220.
 
 
 
 

Leave a Reply