Sigaarka Electronic-ga Ah Oo Dhalinyaradda Caalamka Ku Dhex Faafay

0
365

Wadamada Yurub ayaa qaylo dhaan ka muujiyey sigaarka Electronic-ga ah oo ay sheegeen inuu aad ugu dhex fiday dhalinyaradda wadamadasi ku nool,kuwaas oo dhibaato badan kala kulma markay cabaan.
Sidoo kalena wadanka Maraykanka ayaa la filayaa inuu bilaha soo socda ku daro sigaarkan waxyaalaha dalkaasi ka mamnuuca ah,iyada oo ay dadka dalkaasi aad u isticmaalaan,iyaga oo mararka qaarkood ku qariya mukhaadaraadka kale ee aan dalkaasi laga ogolayn.
Shirkaddaha soo saara sigaarkaasi oo tartan balaadhan ku jira aya ku guulaystay inay suuqa ka saaran sigaarkii hore loo isticmaali jiray oo ahaa mid dhibta uu keeni karo aad loo yarayn jiray ama looga taxadiri jiray.
Dugsiyada sare ee wadankaasi Maraykanka ayaa la sheegay inuu aad ugu dhex fiday cabitaanka sigaarkani,waxaanu marayaa 13%,isaga oo sannadkii hore ahaa 5%,sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ay dhowaan soo saartay US Center for Disease Control hay’ada la yidhaahdo .
Sidoo kalena waxa isna hoos u dhacay sigaarka caadiga ah isticmaalkiisa oo gaadhey 9%,waxaanay dadku la jaan qaadeen sigaarkan cusub ee E-Cigarettes ka ah,waxaana inta ugu badan isticmaala sida warbixinta lagu sheegay  dadka la qabsaday isticmaalka xashiishada Nicotine-ta.
Ugu dambayna hay’ada daba galka cuntooyinka iyo dawooyinka oo baadha inta badan labadan waxyaalood laguna magcaabo US Department of Food and Drug Administration ayaa sheegay inay toddobaadka soo socda ku dhawaaqi doonaan halista uu lee yahay sigaarkaasi ,iyada oo hada la wado siday sheegeen daraasado iyo baadhitaano dhibtiisa ku saabsan.
 
 

Leave a Reply