“Waxa Dhibaatadda Innagu Hayaa Waa lacagta Hawadda La Iskaga Dirayo Ee ZAAD Iyo E-Dahab”

0
418

Hargeysa (Dawan)-Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda, ayaa Ganacsatada waaweyn  ugu baaqay inay dadweynaha u naxariistaan oo aanay maceeshada ku qaaliyaynin iyadoo aanay caalamka waxba ka qaaliyoobin.
“Ganacsatadu  waddaniyad ha  muujiyaan yaanay  dadka maceeshadda ku qaaliyaynin, iyadoo aanu caalamka waxba ka qaaliyoobin. Waxaan leeyahay ma aha in dadka maceeshadda aad  dul-fuushaan  haddii sarrifku qaaliyoobo, waa in ganacsatadu ay dadkooda u naxariistaan oo aanay faa’iido kaliya ka doonin,”ayuu yidhi Xildhibaanka oo u warramayay wargeyska DAWAN.
Xildhibaanku waxa kale oo sixir bararka ku eedeeyay shirkadaha TELESOM iyo SOMTEL, waxaannu yidhi  “Waxa sababay in sarifku kor u kaco oo dhibaato weyn innagu haya, waxa weeye lacagtan hawada la iskaga dirayo ee lambarada loo bedalay,  lacagtii dalku  waxay ku ururtay shirkadaha TELESOM iyo SOMTEL  oo u kala samaystay ZAAD  iyo E-DAHAB, markaa lacagtiiba iyaga gacanta ku haya, waxaanna  laga yaabaa in lacagtii danno kale  ay ku fushadaan oo aanay dalka oolin innagana lambaro  ayaa la inoo dhiibay oo lacag-ba jeebadda kuma sidano. Arrimahan waa in dawladdu xalisaa oo ay gacan adag ku qabataa shirkadahan.”
Xildhibaan Maxamed waxa uu soo jeediyay in lagu dedaalo sidii kor loogu qaadi lahaa qiimaha lacagta Somaliland.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply