Madaxweynaha oo Amar Ku Bixiyay In Salaad Roob Doon Ah Laga Oogo Dalka Axadda Berri

0
344

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay  salaadii jimcaha dadweyne Iyo madaxda qaranka  kula tukaday Masaajidka xarunta madaxtooyadda, ayaa EEBE ka baryay inuu raxmaadkiisa u shubo Somaliland, kana faydo abaaraha kulul ee ka jira deegaamo badan, iyadoo dhibicda roobku soo daadatay ka hor intii aan salaadii Jimce  laga bixin.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ducadaasi ka dib waxa uu amray shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka in ay tukadaan salaad roob doon ah 26-ka bishan oo ku beegan maalinta Axada ah ee fooda innagu soo haysa.
Dhinaca kale, Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa war-saxafadeed ku soo saaray salaada roob doonta ah ee uu amray Madaxweynaha Somaliland, iyadoo lagu jiro wakhtigii gu’ga oo degaanada qaarkood aanu roobku wada gaadhin.
Wasiirka oo shalay salaadii Jimcaha  tukinaayay Masaajidka Madaxtooyadda, halkaas oo ay duco roob doon ka oogeen dadkii ku tukanaayay oo uu ku jiro Madaxweynaha Somaliland, MudaneAxmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxaa xusid mudan in markii salaada Jimce ay ka soo jeesteen Madaxweynaha iyo dadkii masaajidka ku tukanaayay ee alle baryay, ayay dhibicda roobkuna guud ahaan magaalada Hargaysa ku hoortay, iyagoo dibada u soo baxay oo dhibicdii roobka isku dhigay EEBE-na uga mahad celiyay sida uu uga ajiibay ducadoodii.
War-saxafadeedkaasi uu soo saaray Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu  oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska DAWAN, isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:-
“Sida aynu la soconno Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  waxa uu amray in Dadweynaha reer Somaliland  ee ku nool Gobolada iyo Degmooyinka dalku ay Tukadaan Salaadda Roobdoonta maalinta Axadda ee 26ka bishan April 2014ka kuna Beegan 7da Bisha Rajab ee 1436ka Hijriya. Saacaddu marka ay tahay 8:00 Siddeedda subaxnimo, taasi oo ka dhici doonta Goobihii lagu tukan jiray Saaladda Ciidda haddii ay tahay Garoomo ama masaajiddo, salaadda roob-doontu Waa sunnihii nabegeenna suuban SCW marka ay sidan oo kale uu Roobku innaga dib dhaco.
Waxa loo baahan yahay in lagu dedaalo Soonka iyo  Alla ka cabsi  iyo toobad keen ilaahay loogu noqonayo oo dunuubta laga soo noqonayo Maalmahan ka horreysa tukashada Salaadda Roob-doonta islamarkaana Ciddii Dulmi cid kale ka gashayna looga baahan yahay in ay cafis dalbaan iskana celiyaan dulmiga islamarkaana Wixii wanaag ah in la is faro Xumahana la iska reebo,  waxaana habboon in gacmaha la is qabsado oo la is taakuleeyo oo qof waliba qofka kale uu caawiyo laguna sadaqaysto dadka tabaalaysan ee miyi iyo magaalaba jooga .
Maanta waa maalintii loo baahnaa iskaalmaynta iyo iska war-qabka ee jaarka haddii ay tahay iyo qoyskaaga ama qaraabadaada haddii ay tahay aad wixii aad ku dhaanto aad ku caawin lahayd  sadaqaduna waa ta aynu naxriista alle ku helayno .Alla waxa uu yidhi marka aad isu naxariisataan ayaan aniguna idiin naxariisanayaa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply