Maraykanka oo Qirtay Dilka la haysteyaal

0
379

Dawladda Mareykanku waxa ay qiratay in ay dhinteen labo lahayste oo reer galbeed ah intii uu socday hawlgal ka dhan ahaa argagixisada oo ay ka fulinayeen xadka u dhaxeeya Afghanistan iyo Pakistan bishii koowaad ee sanadkan.
Madaxwayne Obama waxa uu sheegay in uu aad uga shalaayay dhacdada ay ku dhinteen labadaasi qof oo kala ahaa Warren Weinstein, oo Maraykan ah iyo Giovanni Lo Porto, oo talyaani ah, labadoodaba Al-Qaacida ayaa sanado afduub u haystay.
Waxa uu sheegay in Al-Qaacida ay lahaystayaasha ku qarinayeen dhismo, sirdoonka Maraykankuna aysan ka warhaynin in halkaas lagu hayay.
Aqalka cad ee Maraykanku waxa uu sheegay in mag la siin doono qoysaska labadaasi nin.
Laakiin qoyska Weinstein,ayaa ku dhaliilay maamulka in ay u caawiyeen si aan joogto ahayn, markii la haystay Weinstein.
Afhayeenka aqalka cad ee Maraykanka, Josh Earnest, waxa uu sheegay in uu jiray khad furan oo lagula xidhiidhayay qoyska.
Dawladda Maraykanku waxa ay balanqaaday in ay dib u eegis ku samayn doonto hawlgalka ayna cashar ka baran doonto wixii khaldamay.
 
 
 

Leave a Reply