Turkiga oo lagu Xusay Boqol guuradii Dagaalkii Gallipoli

0
443

Xaflado lagu xusayo sanadguuradii boqolaad ee dagaalkii Gallipoli ayaa shalay  ka dhacday  Turkiga.
Dagaalkaasi oo socday sagaal bilood ayey ku dhinteen in ka badan boqol kun oo isbahaysi la ahaa ciidamadii Cusmaaniyiinta.
Bishii April sanadkii 1915kii, ayuu isbahaysigii dagaalkii koowaad ay ku qaadeen weerar bad iyo dhul jasiiradda Gallipoli oo ah hadda meesha loo yaqaano Waqooyi Galbeed Turki, kuwaasi oo doonayay inay qabsadaan xaruntii Cusmaaniyiinta, Constantinpole.
Dagaalka oo Australia iyo New Zealand ay ku waayeen ciidamo badan ayaa dhamaaday markii ay ciidamada isbahaysiga dib u gurteen.
Dhinaca kale, xaflado ayaa ka socda Armenia oo lagu xusayo Armeeniyiintii ay dileen Cusmaaniyiinta. Armeeniyiinta ayaa sheegay in laga dilay nus milyan taasi oo Turkigu diideen.
 
 
 
 

Leave a Reply