Addis-ababa: Danjire Dedaalaya Iyo Safaarad Ka Turjuntay Dawladnimadda Somaliland

0
608

Addis-ababa (Dawan)-  Ku Simaha danjiraha Somaliland u fadhiya Itoobiya Ayaanle Salaad Diiriye,ahna  Ku xigeenka safiiirka, ayaa sameeyay dedaal uu ku  dhaqaajiyay xarakaadka safaaradaasi, waxaannu safaarada  dejiyay dhisme weyn oo ay ku shaqayn karaan.
Xaflad loo sameeyay furitaankii dhismaha cusub ee safaaradda Somaliland degtay, waxa ka qeyb-galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirro, Shir-gudoonka Golaha Wakiiladda iyo Mudaneyaal Baarlamaan  oo socdaal shaqo ku tagay todobaadkii hore dalka Itoobiya.
 
“Safaaradani xiligii hore sidan may ahayn calanka Somaliland kama taagnayn, ID Card  may lahayn shaqaaluhu , intii  ay xukuumadan Axmed Maxamed Siilaanyo ay timid ayey si taabo-gal ah u shaqaysay oo calanka Jamhuuriyadda Somaliland laga taagay, ID card-ka  hawl-wadeenadda safaaradda markaas ayaa la sameeyey dedaalka aanu kaga  sii shaqaynayno horumarinta safaaraddu sidaas ayuu u sii socon doonaa,”ayuu yidhi Danjire Ayaanle Salaad Diiriye, oo ka hadlayay hor-usocodka ay sameeyeen shantii sannadood ee xukuumadda KULMIYE ka dhalatay tallada dalka haaneedaysay.
 
Safiir Ayaanle Salaad waxa uu ka xusay inay safaaraddu kaalin wax ku ool ah ka geysato, isku xidhka cilaaqaadka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya. Waxa kale oo uu tilmaamay inay u adeegaan dadweynaha reer Somaliland iyo dadka ajaanibka ah ee booqashooyinka ku tagaya dalka.
 
Wasiir Ku xigeenka shaqadda iyo Arrimaha bulshadda Somaliland Md. Cabdi-waaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inay la dhacsan yihiin horumarka ay samaysay safaaradda Somaliland ku leedahay Addis-ababa.
“Runtii waxa noo muuqata in hawl wanaagsan halkan laga qabtay oo ay ku amaanan yihiin Ayaanle Salaad iyo shaqaalaha  la shaqaaya oo cilaaqaadka labada dawladood sii xoojiyey, xukuumad ahaan waxaannu diyaar u nahay in cilaaqaadkaas halkaa meel ka wanaagsan oo ka sii sareeya uu gaadho. Haddii ay tahay xaga amniga, dhaqaalaha iyo iskaashiga dhinac dhinac walba ah,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka shaqaddu.
 
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka marag kacay in dublamaasi Ayaanle Salaad Diiriye iyo safaarada uu madaxda ka yahay-ba ay sameeyeen horumar balaadhan oo ay qaranimadda Somaliland kaga turjumayaan.
“Waxa faraxad aad u weyn noo ah inaanu dhex joogno safaarada Somaliland ku leedahay  dalka Ethiopia iyo xaruntoodan cusub oo ku taalla deegaanka ay safaaradaha caalamka ee Addis-ababa degan yihiin. Waxaan ammaanayaa danjire ku xigeenka iyo shaqaalihiisa siday u shaqeeyaan. Waxa kale oo iyana mahad-naq innaga mudan dawladda Itoobiya oo safaaradeenna iyo dawladeennaba ula macaamisha sidii qaran la aqoonsan yahay,”Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
 
Ayaanle Salaad Diiriye waxa uu xafiiska safaaradda Somaliland ee Addis-ababa ka shaqeynayay muddo ka badan toban sannadood, waxaanu mudadaas dheer ahaa ku xigeenka safiirka, waxaanu muujiyay shaqo wanaag iyo waddaniyad, waxaanna lagu ammaanay inuu yahay masuul shaqadiisa ka adag oo awooda saara inuu ka shaqeeyo xidhiidhka adag ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya.
 
“Waxaad haysataa Wasiir, rag dawladnimadda u darban oo dublamaasiyiin ah oo dhalinyarro ah oo shaqadooda u kifaaxaya. Waxa raggaas ka mid ah nin karti badan oo shaqadiisa ka soo baxa oo dawladda Somaliland aad ugu shaqeeya, ninkaasi waa Ayaanle Salaad Diiriye oo ah ku xigeenka safiirka Somaliland ee Addis-ababa oo aan anigu u aqaano (Faraska cad),”Sidaasi waxa yidhi Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda xukuumadii UDUB Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaalle, oo ka hadlayay xafladii uu xilka ugu tirinayay wasiirkii hore ee khaarajiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, 28-kii July 2010-kii, dharaartaas oo Ayaanle ka mid ah xubno safiirro ah oo ka mid ah dublamaasiyiinta Somaliland u fadhiya dalalka adduunka.
Waxa kale oo lagu majeertay inuu si waddaniyad leh u gacan qabto bulshadda Somaliland ee hawlaha shaqo iyo caafimaad u taga dalka Itoobiya.
Ayaanle Salaad waxa uu muddo sannad iyo dheeraad ah ku sii shaqeeyaa ku simaha safiirka, ka dib markii uu xilkii safaaradda iska casilay Danjirihii hore Mudane Aadan Nuux Dhuulle. Safaaradani waa ta ugu saamaynta badan xafiiska Somaliland ku leedahay wadanka dibadiisa.
By: Cabdi Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply