“Go’aanka La Qaadanayaa Xisbi Iyo Xukuumad Midna Uma Danaynayo’ Guddoomiyaha Guurtida

0
443

Hargeysa (Dawan) – Aqalka odayaasha ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday  inay go’aan cad ka soo saarayaan, isla markaana ay kulamo wada tashi ah ka yeelanayaan muddo kordhin loo sameeyo xukuumada haatan tallada dalka gacanta ku haysa, maadaama oo guddida doorashooyinka qaranku cadeeyeen in aanay doorashada ku qaban karin xiligeedii una mudeeyeen badhtamaha sannadka soo socda.
Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sidaasi ka sheegay fadhigii ay shalay yeesheen golahaasi oo uu isagu shir guddoominayay, waxaannu tilmaamay in golaha ay soo gaadhay warqad uu soo qoray madaxweynaha Jamhuuriyadd Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taas oo uu golaha kaga dalbaday in ay go’aan ka gaadhaan dib u dhaca doorashooyinka.
“Go’aanka la qaadanayaa waxa uu noqonayaa mid aan xisbina u danaynayn, xuskuumadna u danaynayn cid kalena u danaynayn,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtidu, waxaannu yidhi  “Dadweynaha waxaad moodaa in nashuushad la galiyay, awalba kordhintu way jirtay maantana way dhici ILLAAHAY sida toosan ha inna waafajiyo. Annagu xisbiyo ma nihin, xukuumadna ma nihin, komishanna ma nihin. Waxaannu maanta ka talinaynaa dantii qaranka, taasaana la inooga fadhiyaa. Waxaynu la  yeelanaynaa wada tashi cid kasta oo ay sharciyadu siisay,”ayuu sheegay Guddoomiyuhu.
 
Gudoomiyaha guurtidu waxa kale oo ku baaqay in dadweynaha aan la kicin lagana daayo hadalada midnimadooda iyo wada jirkoodaba waxyeeli kara, waxaanu  yidhi “Dadweynaha waa in laga daayaa kicinta, dadku uma baahna dhibaato in ku filan wuu soo maray, ILLAAHAY innaguma cesho. Waxa laga cabsadaana go’aan maaha.”
Gudoomiyaha golaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu sheegay in ay arrintaas guddi u saari doonaan loona baahan yahay in xildhibaanada golaha guurtidana doorkooda ka qaataan badbaadinta dalka.
Hadalkan ka soo yeedhay golaha guurtida ayaa waxa uu ka dambeeyay markii ay dhawaan guddida doorashooyinka ee qaranku si rasmi ah ugu dhawaaqeen in aanay doorashadu xiligeedii ku qabsoomi Karin, isla markaana ay u mudeeyeen 1-da Bisha June 2016 doorashooyinka isa-saarka ah ee madaxtooyadda iyo Wakiiladda.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply