Heshiiskii Nabadaynta Ee Dhex- maray Beelaha Qorilugud Iyo Buuhoodle Oo Si Buuxda Loo Dhaqan-geliyay

0
560

Buuhoodle (Dawan): Maamuladda  deegaamadda Buuhoodle iyo Qorilugud ayaa  sheegay  in si isku mid  ah ay labada dhinacba  uga hirgashay  qodobadii  ka soo baxay shirkii nabadaynta  ee dhawaan ka dhacay meesha la yidhaahdo Aadan-waal  oo u dhaxaysa Coodanle iyo Buuhoodle.
Shir  25-kii bishan ka dhacay meesha la yidhaahdo Aadan-waal, oo  lagu heshiisiinayay shaqaaqo laba beelood   ku dhex martay deegaanka u dhexeya Buuhoodle iyo Qorilugud,     ayaa  qodobadii ka soo baxay la iskula qaatay in la demiyo colaada dhex martay labadaasi  beelood, isla markaana colaada la joojiyo, ciidan-beeleedyadana la kala raro.
 
Labadan mas’uul  oo xalay khadka telefoonka ugu waramay DAWAN, ayaa waxay cadeeyeen in ay  si buuxda   u dhaqangaleen  qodobadii  gogol-dhiga ahaa ee lagu heshiiyay, isla markaana laga dareemay deegaamadda.  Waxaanay  sheegeen in waxgaradka, cuqaasha, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay si weyn u taageereen una soo dhaweeyeen qodobadii lagu heshiiyey.
 
 
Ugu horayn   maayarka magaaladda Qorilugud, Maxamed Cumar  Faarax, oo ka warbixinayay  qodobadii lagu heshiiyay shirkii nabadaynta iyo sida ay uga dhaqan galeen dhinacooda, waxa uu yidhi  “Shirkii Aadan waal ka dhacay, shirkaasi wuxuu ahaa mid aad iyo aad wax ku ool u ah waxaa lagu heshiiyay in laga bilaabo 25-kii bisha in xabad joojin ay sameeyaan labada beeloodba,  waxaana  lagu go’aansaday  in ciidamadda  la kala qaado.  madal shireed oo Coodanle ka dhacaysa oo ay mudadeedu 21 cisho tahay, ayaa ka mid ahayd qodobadii laga soo saaray, intaa dabadeed cidii wax geysataana  ay iyadu kelideed qabto wixii dhaca. Ciidamadii waa la kala qaaday salaadiinta, garaadadda iyo cuqaasha labada qoloba way hawlgaleen, qolada Buuhoodle way aqbaleen ciidamadiina way qaadeen, qoladda xagga Qorilugudna doraad ayaa kulan balaadhan lagu qabtay degmada Qorilugud, beelahana gudiyo ayaa look ala diray ciidankiina waa la qaaday si fiican ayay hawshaasi u dhacday. Salaadiinta, cuqaasha, maamulka iyo bulshadda kaleba way soo dhaweeyene arrinta iyo in nabad la qaato, 21 cisho ka dibna la isugu yimaado cidii ka baxdaana ay tahay cid danbi ka gashay dalka iyo dadka”.
 
Mar uu ka hadlayay shirka loo balansan yahay in dhawaan lagu qabto  Coodanle iyo waxa lagaga hadlayo ama uu ku saabsan yahay, waxa uu yidhi “Waxaa lagaga hadli doonaa nabadii weynayd ee xisaabtanka lahayd iyo aayaha labadda belood iyo wada noolaanshahooda iyo is-dhexgalkooda ayaa lagaga hadlayaa.
Waana  shirka lagu xisaabtamayo ee cid waliba waxa ay tabanayso lagaga qancinayo laguna kala guranayo wixii la isku leeyahay naf iyo maalba, waxaanu rejaynaynaa shirkaasi in uu qabsoomo abaabulkiisiina waanu ku jirnaa sidaas ayay labada qoloba ku shaqaynaynaan, qoladda Buuhoodlena waxaanu ka warhaynaa in ay aad iyo aad u shaqaynayaan oo dedaal badan ay arrintaasi ka muujisay”.
Waxa kale oo uu sheegay in qabsoomida hawsha nabadaynta ay si weyn ugala shaqaynayeen madax dhaqameedkii, isla markaana ay wasaaradda arrimaha gudaha doorkeeda ku lahayd.  “Wasaaradu intii tamarteeda ah way nala xidhiidhaysay oo warka waanu kala qaadanaynay si weyn ayaanu u wada shaqaynaynay, arrinta se waxaa hogaaminteeda lahaa” dhaqanka, anaguna wixii dhaqanka ba baxsan ayaanu qabanaynay, maamul ahaan”.
 
Dhinaca kale badhasaabka Buuhoodle Cismaan Yuusuf Maxamed, oo isna aanu telefoonka kula xidhiidhnay ayaanu wax ka waydiinay sida looga dhaqangeliyay dhinaca Buuhoodle qodobadii ka soo baxay shirkii Aadan waal ka dhacay.
 
Waxaanu  yidhi “Halkan dhinaca Buuhoodle wuu ka dhaqan galay qodobadii ka soo baxay shirkii dhawaan ka dhacay meesha la yidhaahdo Aadan-waal,  shalay (doraad) ayaa shir la isugu yimid, waxgaradka deegaanka, waxaa la iclaamiyay in nabad buuxda la qaaty, qodobadii ka soo baxay shirkii Aadan-waal cidii ka hortimaadana talaabo sharci ah laga qaadayo, gudiyo ayaa la sameeyay, maleeshiyo beeleedkiina waa  la raray.
Xooluhu saaka way wada daaqayeen xoolaha labada beelood, dadkuna way isa salaamayaan  dadkii qoryaha isku sitay, markaa xagayaga way ka dhaqan galeen, xagga kalena sidaas oo kale ayaanu ka rejaynaynaa”.
Badhasaabka oo aanu waydiinay doorkii ay Wasaaradda daakhiligu ka qaadatay hawlaha nabadgeynta ee shirkii 25-kii bishan ka dhacay meesha la yidhaahdo Aadan-waal oo u dhaxaysa Coodanle iyo Buuhoodle, waxa uu yidhi “Wasaarada Arrimaha Guduhu toos ayay noola soo xidhiidhaysay, hawshaasina waxay ahayd barnaamij naa sareeyay oo ay dawladdu u madax banaysay dhaqanku in ay iyagu hawshaasi galaan, anagu ka maamul ahaan dhinaca amaanka ayaanu ka shaqaynay”.
 
Waxa  kale oo uu sheegay Badhasaabka in la xaliyay  shaqaaqo dhawaan ka dhacday Widh-widh oo uu nin ku dhintay ka dib markii ay is-rasaasayni dhex martay Wasiir ka tirsan  maamulka Puntland oo la sheegay in uu macdan qodanayay iyo ciidanka qaranka Somaliland  ee degan fadhiisinka Widh-widh, waxaanu tilmaamay   in la isla qaatay in magtii  ninka dhintay  laga qaado 7-nin oo ka tirsan ciidankii is-rasaasayntu dhexmartay qoladda ka socotay dhinaca Puntland.
Ninkii ku dhintay iska hor imaadkaasi oo la sheegay in uu ahaa nin ka mid ah dadka deegaanka oo la socday ciidamadda qaranka Somaliland markii uu iska hor imaadku dhacay, ayaa sida la sheegay  dilkiisa waxaa ka dhaartay 7-da nine e lagu eedeeyay  hase yeeshee   culimada deegaanku ay  ku xukumeen in loo qaybiyo  ninka  dhintay  magtiisa 7-da askari ee lagu tuhmayo.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply