Israa'iil oo uu ku Cadaaday Dilkii ka dhacay Iskuulka Qaza

0
364

Xoghayaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon waxa uu sheegay in uu aad uga xumaaday in ay xaqiiqawday in Israa’iil ay dishay 44 ruux oo Falastiiniyiin ah oo ku jiray dhisme ay leedahay Qaramada midoobay oo ku yaala Qaza
Waxa uu sheegay in dhibaatooyin la gaadhsiiyay iskuulo ay lahaayeen Qaramada Midoobay ay ahayd in dhismayaasha Qaramada Midoobay ay noqdaan kuwo aan loo dhawaan Karin iyo goobo ammaan ah, gaar ahaan marka badhtanka lagaga jiro colaadaha.
Laakiin waxa uu sheegay in sanadkii hore dadkii ammaanka u doontay dhismayaasha Qaramada Midoobay ee Qaza in la dhaawacay rajadii iyo kalsoonidii ay qabeen.
Inkasta oo uu eedeeyay Israa’iil waxa uu iyadana tilmaamay sida uu uga xunyahay in malayshiyadka Falastiiniyiinta ah ay dhismayaasha Qarammada midoobay halis u galiyeen in ay hub ku qarsadaan.
saddex iskuul ayayna hubkaasi ku qarsadeen inkasta oo markaas aysan dadku gabaad ka dhiganaynin ama aysan cidina ku jirin.
Warbixinta oo soo xiganaysa labo arrimood ayaa lagu ogaaday in laga yaabo in Malayshiyaadka Falastiiniyiinta ah ay hub ka soo rideen dhismayaasha Qaramada Midoobay, arrintaa oo Ban ki-Moon, ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.
 

Leave a Reply