Wasiir Samsam Oo Kulankeedii u Horeeyay La Yeelatay Guddida Dhaqaalaha Ee Wakiiladda

0
375

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha wakiillada kala hadashay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen ololaha cashuur ururinta ee ay wasaaradda maaliyadu mudooyinkii u dambeeyay ku hawlanayd.
Wasiirka oo shalay kulan la yeelatay guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Wakiiladda, ayaa xildhibaanada u soo bandhigtay in  bulshada ay matalaan ay ku  dhiiri geliyaan oo ay ku wacyi-geliyaan bixinta cashuuraha ku waajibay.
“Waxaannu kulan la qaadanay guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada, runtii waxa uu ahaa kulan faa’iido leh. Cashuuraha barriga oo aanu dardar galinayno waxaannu isla af-garanay inay nagala shaqeeyaan oo dadkii soo doortay ay ka dhaadhciyaan inay cashuuraha bixiyaan,”ayay tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Wasiirku waxay intaas ku dartay “Waxa kale oo aannu guddida ka wada hadalnay in ay nagala shaqeeyaan xeerar aanu soo wadno inay doorkooda ka qaataan. Markaa annaguna waanu ka faa’iidaysanay iyaguna waxay noo sheegeen inay diyaar u yihiin inay waxyaabo badan nagala shaqeeyaan.”
Gudoomiyaha guddida dhaaqaalaha Xildhibaan Cumar Axmed Sanweyne, ayaa isaguna ka hadlay kulankaasi waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay guddida dhaqaalaha ee Golaha  Wakiilada waxaannu u yeedhnay masuuliyiinta wasaaradda Maaliyada sida Wasiirka wasaaradaas, Wasiirul-dawlaha Iyo Saraakiil ka tirsan Maaliyadda.Waxaanu ka wada hadlaynay sida aanu u wada shaqaynayno maadama oo aanu nahay Golaha Wakiilada cida u qaybsan ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda Maaliyada. Markaa xog-waraysi iyo isbarasho ayaannu isugu nimi.”
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply