Guddida Farsamo Ee Maamul-daadejinta Oo Hargeysa Shir Ku yeeshay

0
373

Hargeysa (Dawan)- Gudida farsamada ee maamul daadejinta  ayaa yeeshay shir laga hadlayay hawlaha maamul daadajinta degmooyinka dalka oo shalay ka qabsoomay xarunta dowlada hoose magaalada Hargeysa.
shirkan ayaa waxa ka soo qaybgalay xubnaha  gudida farsamada maamul daadajinta  ka shaqeysa ee madaxda u yahay madaxwayne ku xigeenka Somaliland, oo ka kooban maayarrada degmooyinka dalka iyo agaasimayaasha guud ee sideed wasaaradood oo dawladaha hoose kala shaqeeya adeegyadda  maamul daadejinta
Agaaasimaha wasaarada qorsheynta qaranka Somaliland Cabdirashiid Axmed Guuleed, oo ugu ka waramay shirkaasi ayaa sharaxay qaabka ay u fulinyaan hawlaha maamul daadajinta, iyo ujeeda kulankooda   waxaana hadalkiisa kamid ahaa “Waxaynu maanta (shalay) halkan iskugu nimid innagoo ah guddi farsamo oo loo xilsaarey inaynu ka shaqeyno maamul daadajinta degmooyinka aynu ka shaqeyno saddee biloodna ay noqoto in laba goor la kulmo oo aynu iskugu nimaadno kulankan oo kale, si aynu uga wada hadalno howlo badan oo looga baahan yahay maamul daadajinta si aynu u horumarino sharciga maamul daa dajinta oo waajib inagu ah in maamulka wada daadajinta”.
Maayar ku xigeenka magaalada Hargeysa ahna ku simaha maayarka caasimada  Cabdicasiis Maxamuud Xaashi, ayaa dhankiisa ka waramay ujeedada shirkan iyo sidoo kale howlaha maamul daadajinta “sida uu dhigayo qodobka 111 aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland maamul daadajinta in wakiilada degmooyinka ee la doortay ay maamuli karaan biyaha, laydhka, isgaadhsiinta, caafimaadka, waxbarshada iyadoo taa laga duulayo ayaa la sameeyay  maamul daadajinta gudidan farsamo oo shan iyo afartankii cishaba mar kulmi doona, ayaa shirkan maanta (shalay) kagawada hadalaya maxaa sanadkii ay socotay inoo qabsoomay, maxaa inaga horyimid maxaynu sanadka dambe ku darnaa”.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply