Hablo laga soo Badbaadiyay Boko Xaraam

0
385

Militariga dalka Nigeria ayaa sheegaya inay badbaadiyeen in kabadan 200 oo hablo yaryar ah iyo 93 haween, kuwaas oo lagu haystay Waqooyiga bari ee dalkaasi.
Dadkan la haystay ayaa waxaa laga helay keynta Sambisa oo la sheegayo inay tahay meesha ay ku dhuuntaan kooxda Boko Xaraam.
Balse militariga ayaa sheegaya inaysan xaqiijin karin in gabdhihii ka badnaa 200 ee laga afduubtay Chibok sanadkii hore inay ka mid yihiin kuwa hadda la badbaadiyay.
Militariga ayaa tilmaamay in la baadhayo gabdhaha iyo haweenka kale ee la badbaadiyay.
Balse militariga waxa ay ogaanayaan aqoonsiyadooda. Waxayna si cad u sheegayaan in kuwaan aysan ahayn ka  hablihii iskuuleyda ahaa ee laga qafaashay Chibok.
Taxaddarka hadda ka muuqdo wararka ay militariga Nigeria soo saarayaan waxa uu yahay in laga fogaado qaladaad horey u dhacay.
Bishii October ee sanadkii hore, dowladda ayaa ogolaatay in heshiis xabad joojin ah ay la gasho kooxda si gabdhahii Chibok loo sii daayo, laakiin Boko Haram ayaa arrintaasi diiday.
Afhayeenka ciidamada Nigeria, Colonel Sani Usman Kuka-sheka, ayaa warkan xaqiijiyay, wuxuuna tilmaamay in seddax xero oo kooxdu ku lahayd keynta ay burburiyeen.
Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, ciidamada dalka Nigeria waxa ay dib u qabsadeen deegaanadii ay Boko Xaraam ka talisay.
 

Leave a Reply