Sarkaal ka Tirsan Ha’yadda FOA Iyo Dirawalkiisii Oo Ku Dhintay Shil Baabuur Oo ka Dhacay Haleeya

0
396

Hargeysa (Dawan)- Sarkaal ka tirsan Hay’adda Qarramadda middoobay  ee FAO oo u dhashay dalka Spain iyo dirawalkiisii oo Soomaali ah ayaa shalay  ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay waddada isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.
Gaadhiga uu sarkaalku la socday ayaa waxay isku dhaceen gaadhi xoolo siday, taasoo keentay inuu burburo ka dibna halkaasi ku geeriyoodaan laba qof oo labadduba Hay’addaasi FAO u shaqaynayay.
 
Shilkan ayaa ka dhacay tuuladda Haleeya oo 20-km Bari kaga beegan magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay gaadhiga uu sarkaalka FAO ka shaqeeya uu saarnaa inay isku dhaceen gaadhi siday  Geel, taasoo dhaliyay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeedba, siday saxaafadda u xaqiijiyeen  dad goob joogeyaal ahaa. Ciidanka nabad-galyadda waddooyinka Somaliland ayaa  sheegay  inay wadaan baadhitaan qoto-dheer .
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply