“Muddo-kordhinta Waxay Dani Ugu Jirtaa Xisbiyadda Mucaaridka Oo Kala Daadsan” Xildhibaan Cartan

0
395

Hargaysa (Dwan):-Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan,oo ka mid ah Mudaneyaasha Goaha Wakiiladda, ayaa sheegay In xisbiyadda mucaaridka ah ee Somaliland aanay lahayn awood dhaqaalle oo ay xiligan ku galaan doorashooyinka Wakiiladda iyo madaxtooyadda ee lagu wado inay Somaliland ka qabsoomaan  badhtamaha sannadka fooda innagu soo haya ee 2016.
Xildhibaan  Cartan oo  shalay u waramayay wargeyska Dawan,   waxa kale oo uu sheegay in Somaliland danaynayso sidii ay wax ula qabsan lahayd beesha caalamka, isla markaana aanay  cidina la maamuli Karin xukuumadda iyo waaxyaha qaranku ka kooban yahay.  “Beesha caalamku haddii ay soo qaataan ku tidhi  ku teenkii mucaaridka, iyagoo aan  iska hubsan la yimaadaan,  waa ayaan darro, waxa loo baahan yahay inta aanay odhan xukuumadda ayaa muddo kordhin rabta xaqiiqda inay ogaadaan ayaa loo baahan yahay,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cartan.
Waxa   uu tilmaaamy in Madaxweyne Siilaanyo cadeeyay mawqifkiisa ku saabsan doorashooyinka,  waxaannu   yidhi “Madaxweynuhu wuu cadeeyay mawqifkiisa ku saabsan doorashooyinka laakiin haddii farsamo ahaan ay dhici waayaan doorashooyinku dabadeedna mucaaridku yidhaahdaan xukuumadda iyo xisbigeedii ayaa muddo kordhin samaysanaya markaa arrinkaasi  waa been, xukuumaddana way ka go’an tahay in doorashooyinka la qabto sida Madaxweynuhu sheegay.”
 
 
 
Xildhibaan C/Raxmaan Cartan waxa uu sheegay in muddo kordhintu dani ugu jirto mucaaridka oo kala daadsan, waxaannu yidhi  “Cida muddo kordhintu dan u tahay waa xisbiyadda mucaaradka oo  aan diyaar u ahayn doorasho  uma abaabulna lacagna ma haystaan, shirarkoodii may qabsan xukuumaduna lacagtii doorashooyinka kaga aadanayd way bixisay oo miisaaniyadda ayay ku dartay lacagta maqani waa tan qaadhaan-bixiyeyaasha innaga taageera doorashooyinka haddii Komishanku imikadaa doorasho qaban karayo, xukuumadu way ku guulaysanaysaa doorashadaa.
In la is ixtiraamo ayaa wanaagsan Somaliland dalkeeda iyadaa xukunta oo cid kasta uga laxojeclo badan waa in lagaga dambeeyo annagu ma odhan karno dawladaha adduunka, waxaas sameeya, waxanna ha samaynina, beesha caalamka aad ayaan u danaynaynaa iyo wax wada qabsigoodaba.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply