Nepal oo weli ay samatibixin ka socoto

0
433

Kooxaha gurmadka degdegga ah ee dalka Nepal, ayaa habeen iyo maalin oo dhan shaqeynaayay, iyagoo weli rajo ka qaba inay helaan qof ka badbaaday musiibada dhul gariirka dalkaasi sabtidii ku dhuftay.
Weriye BBC-da ka tirsan oo ku sugan magaalada Kathmandu ayaa sheegaya in la siiyay waxkastoo gacanta lagu qaato sida qalab culus oo lagu socdo, balse taasi waxay caqabad ku tahay in waqtigan la helo qof weli nool.
Boqollaal kun oo qof ayaa habeenkii afaraad ku nool xeryo meel banaan laga dhisay, kuwaas oo qaar ka mid ah guryahooda ay burbureen iyo kuwa ka baqaya in markale dhulka uu ruxmo.
Orla Fagan, oo ah afhayeen ka tirsan xafiiska arrimaha bini-aadamnimada ee UNka, ayaa  ka warramay waxa marka hore loo baahan yahay in la sameeyo.
Ra’iisul wasaaraha dalka Nepal, Sushil Koirala ayaa sheegaya in dowladdiisa ay sameyneyso wixii karaankeeda ah, balse musiibada ay ka tan badisay.
Kooxaha gurmadka ayaa weli la hardamaya sidii meelaha fog ee ka mid ah buuraha Himalaya ay gargaar u gaadhsiin lahaayeen.
Roob xoog leh ayaa sii xumeynaya xaaladda ay boqollaalka kun ee qof ee barakacay, ee ku jira xeryo.
Qaramada midoobeey ayaa sheegtay in qiyaastii 8 milyan oo qof oo ku noolaa 39 degmo uu dhulgariirka saameeyay.
In kabadan 10,000 oo qof ayaa ku dhaawacantay dhul ruxanka. Qiyaastii 5,000 oo qof ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inay dhinteen.
 

Leave a Reply