Wasiirka Waxbarashadda Oo La Kulmay Dugsiyadda Gaarka Loo Leeyahay Ee Hargeysa

0
413

Hargeysa, (Dawan)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Prof. Faarax Cilmi Geedoolle ayaa shalay kulan la yeeshay maamuleyaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargeysa.
 
Kulankan ayay Wasiirka iyo maamuleyaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargeysa waxa ay kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa loona tayayn lahaa waxbarashada Ardayda, Waxaana kulankaas sidoo kale lagu naaqishay sidii wax looga qaban lahaa ardayda samaysay inay ka boodaan fasallada qaarkood.
 
Agaasimaha waaxda waxbarashada gaarka ah ee wasaaraddaas Muuse Axmed Shide ayaa ka warbixiyay doorka ay dalka ku leeyihiin dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxaanu yidhi. “Dugsiyada gaarka ah, hadday yihiin kuwa sare iyo kuwa hooseba doorka ay ka qaataan waxbarashada Somaliland waxay waxtar u tahay waddanka, muwaadinka dhabta ahina waxa uu u hiiliyaa dadka.”
 
Guddoomiyeyaasha bariga iyo galbeedka caasimadda Hargeysa ee dhinaca waxbarashada ayaa ku booriyay dugsiyada gaarka ah inaanay dhiirigelin ardayda ka boodda fasallada, waxaanay intaas ay ku dareen inay wasaaradda u soo gudbiyaan ardayda dhamaysata fasalka siddeedaad imitixaankooda, si ay ula socdaan ardayda ka boodda fasallada qaarkood.
 
Dhinaca kale, waxa iyaguna kulankaas ka hadlay qaar ka mid ah maamuleyaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxaanay sheegeen inay soo dhaweynayaan kulamada noocan oo kale ah, waxaanay xuseen inay la shaqeynayaan wasaaradda, isla markaana ay fulin doonaan wixii amar ah ee kasoo baxa wasaaradda.
 
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Mudane Faarax Cilmi Geedoole ayaa sheegay in dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ahi ay isku mid yihiin, waxaanu tilmaamay in wasaaraddu ay tallaabo ka qaadi doonto dugsiyada isku daya inay ardayda fasalada qaarkood ka boodsiiyaan, waxaanu sheegay inuu soo dhaweynayo tayada waxbarasho ee dugsiyada gaarka ah, waxaanu yidhi. “Aniga kolay iima kala duwanna dugsiyada gaarka ah iyo kuwa dawliga ahi, waayo dhamaanteen waxaynu fulinaynaa waxa weeye ubadka waxbarashadiisii, waxaan aaminsanahay hadduu dugsigu gaar yahay iyo haddii uu dawli yahayba wasaaradda ayuu ka tirsan yahay.”
By. Cabdi M. Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply