Shirkadda LG Oo Soo Saartay Talefoon Cusub

0
408

Shirkadda LG oo soo saartay qalabka kala duwan ee Technology-ga ayaa soo saartay muddo dheer ka dib talefankeeda lagu magcaabo LG G4,waxaanu noqonayaa noocani mid ka duwan kuwii ay hore usoo saari jirtay shirkaddaasi.
Waxaanu lee yahay Iskiriin noociisu yahay IPS  Quantum oo muraayadiisu aad u balaadhan tahay ,una adag tahay,waxaanu noqonayaa 5.5 Inch,halka uu Size kiisuna noqonaayo 2560×1440 oo ay muraayadiisa iyo galkuba isku mid ka noqonayaan.
Taleefankan cusub ayaa Barooseesarkiisu noqon doonaa 1.5GHZ,kaas oo ka duwan kuwii hore,waxaanu taleefanka fursad u siinayaa inay u suurta gasho dubitaanka Fiidyowyo kala duwan oo waqtigoodu dheer yahay,sidoo kalena ah 4k.
Waxa kale oo aad u weyn RAM kiisa ,waxaana ku jira 3GB RAM ah,waxa kale oo uu Internal Storage kiisu noqon doonaa 32GB,halka daloolka dibada ee loogu talo galay in laga geliyo Memory-ga dibaduna uu noqon doono mid uu geli karo 2 Terabytes memory qaadi karaa.
Waxa uu sidoo kalena lee yahay laba Kamaradood,kuwaas oo xaga dambe iyo xaga hore kaga kala yaala,waxaanay ta hore noqonaysaa 16 Megapixel halka ta dambena ay noqonayso 8 Megapixel .
Waxa kale oo uu Taleefankani lee yahay Battery qaadayaa dab lagu sheegay inuu noqonaayo 3000 mAh,kaas oo la bedbedeli karo,waana mid aad uga balaadhan ugana fudud kii hore ugana tayo wanaagsan siday masuuliyiinta shirkadaasi sheegeen.
 
 

Leave a Reply