Guddoomiyaha UCID Oo Ugu Baaqay Xukuumadda Inay Adeegyada Dawladda Gaadh Siiso Talleex

0
361

Hargeysa(DAWAN)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md.Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumadda Somaliland ku bogaadiyay inay u gurmatay beelo walaalo ah oo dhawaan ku diriray gudaha magaaladda Talleex ee gobolka Xaysimo, waxaannu ku baaqay in gobolkaasi  laga hirgeliyo dhammaan adeegyadda daruuriga ah ee dawladdu u qabato dadweynaha.
 
Eng. Faysal Cali Xuseen oo ka hadlayay xaaladda nabadeynta Talleex, waxa uu yidhi   “Waxaan ku ammaanayaa dawladda inay ciidammaddii Qaranka u dirtay Talleex oo ay Ergo nabadeedna ay tagtay. Waa inaynu u gurmanaa Talleex oo aynu nabad ka samaynayaa. Waa in dadkaas is dilay gacamaha la isku saaro oo maamul loo sameeyaa.
Waa in laga hirgelinayaa Booliskii iyo dhammaan ha’yadihii dawliga ahaa oo dhan, sidaas ayaan jecelahay Inshaalaah inaanu Madaxweynahana u sheegno. Reer Talleexna waxaan ugu baaqayaa  nabadgelyo inay qaataan. Waxaan leeyahay waxgaradka reer  Somaliland oo iyagoo isku dhan waa inay tagaan gogosha nabadeed ee Talleex.”
 
“Dawladda Soomaaliya ee waxa ka dhacaya Xallane aan ogayn ayaa hadlaya oo iska dhigaya  inay ina xukumaan oo leh  dekadooda (Somaliland)  ma dhisan karaan, hawadooda lama mari karo. Xasan Sheekh waxa uu yidhi waan ku faraxsan nahay sida Sida Somaliland ay u  soo dhawaysay qaxoontigii Yeman, waxa uu u hadlayaa sidii mid Ina xukuma, Gurigiisana ma xukumi karayo. Caqliga adduunku leeyahay la xaajooda waa kaas Xasan Sheekh  tuullo uu leeyahay oo maamul ka socdaa ma jiro,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo hadlayay xaflad xisbigiisu u qabtay garabka dhalinyarrada iyo haweenka ee xisbiga UCID oo lagu qabtay Huteelka Maansoor.
 
Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in raggii ay ka dhaceen ururadii siyaasadda qaarkood ay tageen Xamar. “Annagu markii aanu Xisbiga UCID samaynay umanaan samayn kursi ku hela iyo xil ku hela, ee Somaliland in lagu badbaadiyo oo himilada Qaranka aanu gaadhsiino ayay ahayd oo halkaanu 1960 adduunka ka joognay in aanu la soo noqono ayay ahayd, waad ogtihiin oo laba jeer ayaan dhacay anigu, waad ogtihiin oo dadkii ururadu markii koowaad ka dhaceen ayaa Xamar tagay, hadda marxaladii ururka uun buu ku dhacay, aniguna markaan dhacaba Somaliland-nimadu way igu sii xoogaysataa oo qadiyada Somaliland waan ku sii xoogaystaa oo awoodaydu way ku sii badataa.”
 
Guddoomiyuhu waxa uu si dadban ugu jawaabay waraaqdii Guddoomiye Cirro u qoray dawladda Finland ee uu ku sheegay in haddii uu ku guulaysto doorashadda madaxtinimadda inuu qaadan doono nidaamka federaalka Soomaaliya, waxaannu  yidhi. “Somaliland wax aan hore uga dhici jirin ayaa ku soo kordhay, oo waxa ku soo biiray maanta dad leh haddii aad annaga nadoorataan Somaliland iyo Soomaaliya ayaanu isku daraynaa, waligeedna taasi may dhicin oo dalkeena kamay dhicin, laakiin waa arrin ku soo korodhay hadda oo naxdin weyn bay arrintaasi  ii keentay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply