Guusha Feedhkii Qarniga

0
733

Feedhyahanka Ameerikaanka ah ee Floyd Mayweather ayaa ku guulaystay cayaarihii feedhka ee muddo tobanaan sannadood ah la sugayey.
Mayweather wuxuu kaga guulaystay ninkii reer Filibiin ee ay is hayeen Manny Pacquiao, go’aan loo dhan yahay oo ay garsoorayaashu gaadheen.
Ku dhowaad 17,000 oo qof ayaa dagaalkaas ku daawaday MGM Grand Garden Arena oo ah halka uu feedhku ka dhacayey ee magaalada Las Vegas.
Ilaa 3 Malyan oo qof oo dunida kala jooga ayaa feedhkaas kala socday TV-yada lacagta lagu daawado.
Tikidho badan oo lagu galayey feedhka ayaa dib loogu sii iibiyey tobanaan kun oo Doollar.
 
 
 
 
 

Leave a Reply