Beesha Caalamka Kama Sugayno Inay Faro-geliyaan Arrimaha Somaliland u Gaar ah

0
455

Ugu horeyn waxaan halkan salaan uga soo gudbinayaa guud ahaan Shacabka Reer Somaliland, meelkasta oo ay joogaanba gudaha iyo dibadaba.Salaan ka dib waxaa jecelahay in aan halka baaq ku saabsabsan arrimaha Doorashooyinka aan uga soo jeediyo guud ahaan Shacabka Reer Somaliland,Golaha Guurtida,Mucaaridka iyo guud ahaan Beesha Caalamaka :-
Shacabka Reer Somaliland :-
Shacabka reer Somaliland  meel kasta oo ay jooganba ,waxaan u sheegayaa in dalkoodii Hooyo nabad yahay,Roobabkii  curteen.Shacabka Reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in aanay dhegeysan,rumaysan hadalada xajiinta leh  beenta ah,ee Mucaridka,iyo Shaqsiyaadka kala duwani ay soo mariyaan  Saxaafada madaxa banaan.
Shacabka Reer Somaliland gudaha iyo dibadaba waxaan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan,dabaal dega   iyo xuska 18 May, oo ah maalintii Qarannimada Somaliland.Shacabka Reer Somaliland waxaa la gudboon, in ay gacmaha isqabsadaan,dhinacna isaga duwaan beenta iyo hadalada macno darada ah ee Mucaaridka.
Golaha Guurtida Somaliland :-
Golaha Guurtida Somaliland  waxaa saaran waajibaad Qaran,waxaa Dastuurka iyo Xeerarka dalka u yalaa  awood buuxda u siinayaan in ay mudo kordhin u sameeyaan,Xukuumada iyo Golaha Wakiilada marka ay timaado duruuf  dib u dhac  ku keenta Doorashooyinka.
Golaha Guurtida somaliland waxaa  si xushmad leh uga codsanayaa in ay gutaan waajibaadkaa Qaran ee saaran ,Shacabka reer Somaliland waxaa ku waajib ah in ay ugu duceeyaan in  ILLAHAY u fududeeyo howshaa culus ee ay gacanta ku ahayaan.
Golaha Guurtida  waxaan  ka codsanayaa in aanay dhegaysan beenta iyo hadalada ka soo yeedhaya Mucaaridka iyo shaqsiyaadka aan u naxaynin  dalka iyo  Shacabka  Reer Somaliland.
 
 
 
 
Ururada iyo Shaqsiyaadka Mucaaridka :-
Waxaa u sheegayaa   Shaqsiyaadka  Mucaaridka ah :-

  1. Dalka iyo  Shacabka Reer Somaliland way ka gudbeen,marxaladihii beenta iyo Tolaayeey ka kacaay.
  2. Shacabka Reer Somaliland way ka gudbeen xilligii Shaqsiyaad Madaxa Cirro ku lahi ay   cay , Aflegaado iyo hanjebaado   TV –da la soo fadhiistaan lahaayeen.
  3. Ugu dambeyn waxaan ugu baaqayaa Mucaridka Somaliland in Shacabka  ay u sheegaan wax ka qurux badan,waxa ay xilligan habeen iyo maalin Saxaafada la soo horfadhiistaan.

 
 
 
Beesha Caalamka :-
Guud ahaan Beesha caalamka waxaan la socodsiinayaa amase aan  xasuusinayaa :-
 

  1. Somaliland waa dal   madax banaani buuxda haystay marka laga soo bilaabo 18 May 1991 ilaa maanta,wax aqoonsi buuxa ahna aan ka helin Beesha caalamka.
  2. Somaliland waa dal iyo dad nabada,Dimuqraatiyada jecel ku dhaqmayey marka laga soo bilaabo 18 May 1991 ilaa maanta,iyadoo caalamku og yahay xaalada nabad gelyo iyo Siyaasadeed ee  ka jirta Geeska Africa .
  3. Somaliland waxay caalamka ka sugaysaa aqoonsi buuxa,maadaama ay  tahay dal madaxbanaan,Nabadgelyo ah,Dimuqraati ah, buuxisayna dhamaan shuruudihii Dowladnima.
  4. Ugu dambayn waxaa ka codsanayaa Beesha caalamka in ay tixgeliyaan dhaqanka, Shuruucda,Dimuqraatiyada, habka Dowladnimo iyo arimaha gudaha ee dalka iyo dadka reer Somaliland u gaarka ah.
  5. Bulshada Caalamka waxa keliya ee aanu ka sugaynaa waa aqoonsi buuxa oo aanu  caalamka kaga  mid noqon,ee kama sugayno in ay  soo fara geliyaan arrimaha noo gaar ah.

By: Cabdi. M.Saleebaan (Mingiste)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply