Cirro Miyaynu Ku Aamini Karnaa Masiirka Ummadda?

0
552

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waa mid ka mida awoodaha uu leeyahay dalka Somaliland, waana Gudoomiyihii Baarlamaanka, wuxuu hogaan iyo shir guddoon u yahay mudanayaal tiro yar oo gaadhaya 80 xildhibaan, waxay ahayd in dhamaan xildhibaanadaasi uu isku wado ileen isaga ayaa u ah hogaane,  wixii wanaagsan ee dalka iyo dadkaba u dana uu ku hogaamiyio, wixii aan qaranimada ku waanagsnayna uu ka reebo.
Haddaba waxaa is weyndiin mudan, ninkaa maamuli kari waayey 80 ka Mudane, hadiiba loo dhiibo dal dadkiisu ay yihiin 3.5 million, sidee buu u maamulayaa? Waa su’aal u baahan jawaab dhab ah iyo cilmi baadhis, caqli wanaagsan, waxaan su’aasha u dhaafayaa dadweynahu inay ka soo jawaabaan.
Dhawaan waxaan soo shaac baxday warar sheegaya in Cabdiraxmaan Cirro uu dacwad u gudbiyey Safaarada Ingiriisku ku leeyahay Magaalada Addi Ababa, isaga oo  ka dacwooday ciidan ka mid ah ciidanka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ciidankaas oo loo yaqaan RRU islamarkaana ah ciidanka ka hortaga iyo la dagaalanka Argagixasada. su’aal kale aan idin waydiiyee Cirro markuu ciidanka wadankii uu gudoomiye baarlamaan ka ahaa, hanka madaxweyne ka lahaa uu ka gudbiyey dacwad waliba uu u gudbiyey gabadh yar oo safiir ku xigeena, Damiirkiisu miyuu Noolyahay? , waa arin fajiciso ah, waana wax aan loo dul qaadan Karin.
Gudoomiye C/raxmaan Cirro wuxuu beeniyey oo waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu gudbiyey wax dacwad ah oo ka dhaca Ciidanka RRU-da, balse isla Suxufigii uu warkaasi beenintaa uu siiyey ayaa isagu dib u kashifay ka dib markii uu soo waraystay gabadhii safiir ku xigeenka ahayd ayna cadaysay inay jirto waraaqda dacwada ciidamada RRU-da uu u soo gudbiyey Gudoomiyaha baarlamaanku, waxa kale oo ay sheegtay kuna gaabsatay in heshiis adag uu ka dhaxeeyo iyaga iyo Dawlada Somaliland .
Waligay maan arag oo maan maqal Masuul qaran oo ciidankiisii uga ashkatooda wadan shisheeye, waxay sharaf dhac iyo khaayinimo ku tahay C/raxmaan Cirro, wuxuuna u muuqdaa inuu yahay nin aan dalka dan ka lahayn, wuxuu ahaa ninkii ku faani lahaa ciidankiisa, waayo ciidankaasi waxay hayaan hawl muhiima waxaana ay inta badan ka shaqeeyaan xasiloonida, waxay qabtaan wax kasta oo looga shakiyo amaan xumo iyagoo adeegsada awoodaha iyo tababarada ay qabaan, mana sameeyaan wax ka baxsan xadkooda, Waxaan qabaa inuu Cabdiraxmaan Cirro yahay ninkii cadawgiisa ugu faani lahaa ee aanu ahayn ninkii ka faani lahaa ciidankaasi, Waxaana haboon in la qabto oo sharciga la mariyo maadama uu yahay khaayinul wadan, horena loogu hayey gacan saar uu la lahaa cadawga Somaliland .
By: Marwo Ugbaad Cabdi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply