Qurxinta Jidhka Oo Dumarka Foolxuma U Keenta

0
800

Dumarka caanka ah iyo dadka jecel inay weligood ahadaan kuwo qurux badan aya mar kasta u taga dhakhaatiirta qurxinta jidhka, kuwaasi oo ku sameeya qaliino wejiyadooda. Camaliyadahan ayaa ku keena dadkaasi caafimaad daro badan gaar ahaan dumarka oo ay hawlahooda ka horyimaadaan.  Sida lagu daabacay  Al-Mujtamac oo soo xiganaysay warsidaha Lolwot dumarka caanka ah ee quruxda u doonta goobahan ayay ku kordhisa foolxumo marka danbe. Dumarka goobahan taga ayaa ah dumarka siyaasadda ku jira, kuwa fanaaninta ah iyo kuwa ay qabaan dadka hantida haysta. Waxaana la sheegay in qaliinka qurxunita , iyo daawoyinka suuxdintu ay jidhka ku keenaan inay u nuglaadaan xanuunada kansarka
.Waxaa xusid mudan in qaliinada la isku qurxiyo ay saameyn ku keenaan caafimaadka guud ee dumarka,waxayna sababaan inay u nuglaadaan xanuunada kansarka.
Waxaana la sheegay inay badanayaan dadka u dhimanaya xanuuno ay ku keeneen is qaliinada qurxinta ama dawooyin loo isticmaalo qurxinta.
 
 

Leave a Reply