Roob Lagu Diirsaday Oo Ka Da’ay Hargaysa Iyo Nawaaxigeeda

0
440

Hargaysa (Dawan): Roobabka  gu’ga  ayaa  maalmahan si weyn uga curtay deegaamo ka tirsan Somaliland, iyadoo   roobab  lagu qabowsaday   ka da’een    gobolo  ay ka jirtay  abaar iyo biyo la’aan.
Waxaanay  wararku sheegayaan in dhamaanba deegaamadaasi roobku wada gaadhay inkasta oo uu ku kala badan yahay, hase yeeshee   taasi ay meesha ka saartay biyo la’aantii  ka  taagnayd  meelo ka tirsan gobolada  dalka gaar ahaana galbeedka Somaliland.
Roob  mahiigaan ah ayaa  shalay duhurnimadii   si  weyn  u maasheeyay  gobolka Maroodi Jeex iyo nawaaxigiisa gaar ahaana caasimadda Hargeysa. roobkaasi  oo  bilaabay duhurnimadii  ayaa da’ayay ku dhawaad  muddo saacad ah, kaasi oo aan wax dabaylo ah wadan, laakiin  ahaa mid dhibcihiisu ay  aad u xooganaayeen ayaa   kala xidhay isku socodka magaaladda intii uu da’ayay.
 
Sidoo kale Roobkaasi oo ahaa ka ay Soomaalidu u taqaano Mayayga ee da’a xiliga maalinta ah, isla markaan  aan wax dabaylo ah keenin oo dul-ka-hoor ahaa, ayay ka dhasheen   biyo xoog badan oo markii uu joogsaday ka soo rogmaday xaafadaha caasimadda, kuwaasi oo   kala xidhay isku socodka magaaladda iyadoo ay jidadka mara badhtamaha caasimadda baabuurtu    isku xanibmeen, ayna  adkaatay in la isku gudbo wadooyinka  oo  ay biyaha daadku  xidheen awgeed.
Daadad aad u badan  oo  ka dhashay roobakaasi ayaa  sababay in ay biyuhu ka soo fataheen ililadaha ama meelaha biyo –mareen ka ah, taasi oo keentay in  biyuhu ay jibaaxeen wadooyinka, waxaana jirtay in biyuhu ay  galeen meherado ganacsi oo wadooyinka  hareeraheeda ku yaalla iyo cooshadaha yar yar sida kabadhada  Qaadka lagu iibiyo iyo meelo kale.
Fatahaadda ka dhalay  daadadka  ayaa waxa    sababtay  biyaha roobka  oo aad u badnaa kana awood batay meelaha loogu tallogalay inay biyuhu  maraan iyo sidoo kale meelaha  iliiladaha biyo-mareenka ah oo uu xidhay  xashiish aad u badan oo tuulmay iyo qashin faro badan oo biyaha roobku soo saareen.
 
Inkasta   aan      la soo sheegin wax   khasare nafeed mid dad iyo mid duunyo  iyo hanta  kale oo uu roobku  waxyeelo u gaystay,  ayaa  hadana sida inta badan dhacda xiliyadda ay roobabaku da’aan  waxaa jirtay in wadooyinka  dhex mara faras magaalaha caasimadda  in ay isku xanibmeen gaadiidku,isla markaana uu jiray cidhiidhi badan oo arrintaasi ay keenat,  taasi oo ka dhalatay  Dhagaxaan waaweyn,  Ciid,  xashiish  iyo qashin kale oo baco iyo caagado u badan oo ay biyaha  daadadku  ku  xidheen qaar ka  mid  wadooyinka.
Isku socodka dhinaca baabuurta ayaa  laga dareemayay in culays badani uu ku yimid   ilaa habeenimadii xalay, iyadoo si weyn looga dareemay wadooyinka ay qashinka iyo ciidu xidheen. Waxaana la arkayay in wadooyinka  qaarkood  uu dhagaxaan aad u waaweyn ku xidhay roobku.
 
Si kastaba ha ahaatee  ma aha wax ku cusub bulshadda ku nool caasimadda Hargaysa in sidan oo kale ay biyo ugu fatahaan meheraddo ganacsi xiliyadda roobku curto, ama in meelaha biyo mareenadda ah ay u xidhmaan qashin buux-dhaafiyay, taasi oo  ay joogto  noqotay   dhibaatadeedu in ay dhacdo xili roobaadka.
Waxaana la rumaysan yahay in arrintani ay sabab u tahay dawladda hoose ee caasimadda oo aan weli ku guulaysan in ay samayso meelo  ay biyuhu maraan iyo sidoo kale in marka ay roobabku curtaan ay iliiladaha biyaha ka sifeeyaan qashinka xidhay.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply