Shir Lagaga Tashanayo Xaalufinta Deegaanka Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
406

Hargeysa (Dawan)- Shir ku saabsanaa sidii looga tashan lahaa xaalufka lagu hayo deegaanka iyo isbedelada cimilada oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb-galay Wasiirrada deegaanka, Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Guddoomiyayaasha gobolada, xubno ka socday hay’adaha madaxa banaan iyo qaybaha bulshada rayidka ah. 
Wasiirka Wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo kulankaasi ka hadashay ayaa sheegtay in xaalufka lagu hayo deegaanka uu keenay is bedel ku dhacay cilmilada “Sanadihii ugu horreeyay baa xooga la saaray oo adduunyadu xooga wada saartay, inaga markaa albaabo inoogamay furnayn, laakiin imika waxaad moodaa in markii qayladeenii farabadatay la inala arkay in wax la inagala qabto oo Caalamka iyo Ummadda oo dhami ta ay isku raaceen in wax laga qabto waa xaalufka, innagana maanta waxa la innaga doonayaa in aynu Maskaxdeenna tuujino, in warbixintaa innaga baxaysa ee maanta (shalay) iyo beriba (maanta) loo fadhiyo warbixin wax ku ool ah noqoto oo UNP marka ay samayso hay’addaha oo kale in ay u qaybiso ayaa la inooga  baahan yahay, marka ay qaybisana. Waxay noqonaysaa qaylo-dhaankeenii inaga wuu inaga baxay.” Ayay tidhi Wasiirka deegaanku
Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir oo halkaasi ka hadlay ayaa isna sheegay in ay haboontahay in laga wada tashado sidii loo ilaalin lahaa deegaanka, waxaanu yidhi “Danta guud ee aynu wada leenahay waa wax aanay cidina lahayn oo cid u hadasha aan lahayn, dhulka Rag kale iyo Haween kale lagu soo beerimaayee inagaa ku nool haddaynu ilaashan weyno, waa in aynu ka tashanaa habkaynu ugu noolaanaynay oo dhulkeena inta hadhay u dabaqabatayno.”
Sidoo kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cumar Sheekh Maxamed oo kulankaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Waa in go’aamo cad laga soo saaro, oo aynu Dawladeena iyo Ummaddeena ku baraarujino oo ku wacyigelino, waxa wanaagsan, Itoobiya maanta halka ay taagan tahay waad ogtihiin, siduu ahaan jirayna berigii hore waad ogtihiin oo faraqa inoo dhexeeyana waad ogtihiin. Xadka markaad ka talawdo halkay marayaan, waar miyaynaan arkayn, xagaynu ku maqanahay inagu oo aragtida halkaa taala xagaynu ku maqanahay inagu, Ninka u maqan dalkan ee hagaajinayaa wa’ayo.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply