Shaqaalaha Gurmadka Nepal oo Helay Oday 101 jir ah

0
442

Dadka laga  soo badbaadiyey burburkii dhulgariirkii Nepol oo afartii qof ee u danbeeyay ayuu boolisku Isniintii  sheegay in uu ku jiro oday 101 jir ah oo laga soo helay tuulo 80 KM dhanka waqooyi-bari kaga beegan magaalada caasimada ee dalka Nepal ee Kathmandu.
Shaqaalaha badbaadada ayaa sidoo kale sheegay in saddexda qof oo kale laga soo saaray burburka degmada Sindhupalchowk oo dhanka waqooyi-bari kaga beegan Kathmandu ee caasimada dalka Nepal.
Kummanaan qof ayaa weli la la’yahay, kuwaasoo ay ku jiraan 1000 qof oo reer Yurub ah, kuwaasoo xilligaasi booqasho ku jiray, waxaana dhulgariirkaasi ku dhintay in ka badan 7000 oo qof.

Leave a Reply