Qaramada Midoobey oo Baaq u jeedisay Sacuudiga

0
442

Qaramada midoobey ayaa baaq xooggan u jeedisay Sacuudi Carabiya, waxayna doonaysaa in xulufada uu hoggaaminayo Sacuudiga ay joojiyaan duqeynta garoonka diyaaradaha ee Sanca ee dalka Yemen.
Isku dubaha gargaarka bani’aadanimo ee Qaramada Midoobey Johannes Van Der Klaauw ayaa sheegay in garoonka uu muhiim u yahay hawlaha gargaarka iyadoo ay ku degaan  diyaaradaha  sida gargaarka sida aadka ah loogu baahanyahay.
Waxa uu sheegay in burbur xooggan uu soo gaadhay garoonka oo ay adagtahay in ay diyaaraduhu caga dhigtaan ilaa laga dayactirayo.
Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay sheegtay in ay ka fikirayso in ay joojiso duqeynta meelo ka mid ah Yemen, si loo suurtageliyo in gargaarka la gaadhsiiyo meelaha looga baahanyahay.
Dhinaca kale,Isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayo ee duulaanka cirka ah ku haya Yaman ayaa la sheegayaa bamamka laba qarxa oo Maraykanku siiyay, kuwaasi oo mamnuuc ka ah dunida inteeda badan, sidaasna waxa sheegay urur xuquuqal insaan.
Ururka Human Rights Watch (HRW) ayaa sheegay in ay hayaan caddaymo muujinaya in tiraba laba jeer loo adeegsaday bamamkaasi fallaagada Xuutiyiinta.  Haseyeeshee lama  sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen.
Bamamka sii laba qarxa .
(Cluster bombs)  ayaa ugu  sii firdha iyaga oo ah bamam yaryar dhul aad u ballaadhan, islamarkaana ay kaga  sii hadhi karaan dhulka waxyaabo aan weli qarxin.
Waxaa lagu saxeexay mamnucidoodu heshiis ay wada gaadheen 116 dal, balse Sucuudi Carabiya kama mid ahayn.
Maraykanka iyo dalalka kale ee isbahaysiga milateri la leh Sucuudiga ayaan midkoodna saxeexin heshiiskaasi oo qalinka lagu duugay 2008.
 

Leave a Reply