Nin 50 Sano ka hor Xabsi ka Baxsaday oo la Qabtay

0
377

Dalka Maraykanka nin dambi dil ah lagu helay oo la xukumay 50 sano ka hor, oo xilligaasi xabsiga ka baxsaday, ayaa haatan la soo qabtay.
Frank Freshwaters, oo 79 jir ah, ayaa muddo kooban ku xidhnaa xabsi ku yaalla gobolka Florida ka hor inta uusan baxsan.
Waxaa la ogaaday in ugu yaraan muddo 20 sano ah uu adeegsanayay magac aan kiisa ahayn.
Mas’uuliyiinta magaalada Brevard ayaa sheegay in ninkani ay u dhigeen shirqool ah inuu saxiixo warqado, si ay u helaan sawirka farahiisa.
Markii la ogaaday inuu isaga yahay ninka la raadinayay ayaa waxaa loo soo bandhigay sawirkii looga qaaday xabsiga 50 sano ka hor. Waxaa uu yidhi “waad i garateen,” markii uu arkay sawirkiisa.
Waxaa lagu helay dambi ah inuu gaadhi ku dhuftay oo uu dilay qof waddada marayay, waxaana lagu xukumay 20 sano oo xadhig ah.
 
 
 

Leave a Reply